Insights from Norway's Coronavirus Commission Appointed by the Norwegian Government

Slide Note
Embed
Share

The Norwegian government established the Coronavirus Commission in response to the COVID-19 pandemic. The commission's tasks include evaluating government measures, assessing future preparedness, and addressing critical issues. The commission's work involves conducting thorough investigations and reports for informed decision-making. Various projects focus on healthcare systems, disease prevention, and public health strategies in mitigating the pandemic's impact.


Uploaded on Oct 05, 2024 | 0 Views


Download Presentation

Please find below an Image/Link to download the presentation.

The content on the website is provided AS IS for your information and personal use only. It may not be sold, licensed, or shared on other websites without obtaining consent from the author. Download presentation by click this link. If you encounter any issues during the download, it is possible that the publisher has removed the file from their server.

E N D

Presentation Transcript


  1. Koronakommisjonen Kommisjonen er oppnevnt i statsr d 24. april 2020 Warbixintii 2-aad ee Guddiga Koroonaha Egil Matsen 26.04.2022

  2. Shaqada guddiga ee warbixintan labaad Shaqada Guddiga loo diray inay si qotodheer oo dhinac kasta ah dig-u-eegis iyo dib-u-qiimayn ku sameeyaan sidii ay dawladdu u maaraysay safmarkii covid-19. inay soo jeediyaan tallaabooyinka uu guddigu u arko inaan laga maarmin si kor loogu qaado heeganka iyo maaraynta xaaladaha adag ee mustaqbalka. Warqad 12-kii May 2021 ka timid raysulwasaare Erna Solberg: in si wacan loo baadho habkii ay dawladdu uga shaqaysay in dadka Norway helo tallaal iyo istiraatiijiyadii qaybinta tallaalada in si qotodheer loo qiimeeyo tirada sariiraha iyo heerka heegaanka daryeelka dadka aad u buka ee laga rabo isbitaallada in si qotodheer loo qiimeeyo xaaladda dhakhaatiirta guud ee degmooyinka iyo dhakhaatiirta ka hortagga cudurrada faafa ee degmooyinka Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 2

  3. Xadayn su aalo waaweyn oo dhinacyo badan. Waxaa lagama maarmaan noqday in xadayn la sameeyo xadayn lagu sameeyay shaqada guddiga xadayn lagu sameeyay wakhtiga Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 3

  4. Lix mashruuc-hoosaad xaaladdii xilligi koroonaha ku timid dhakhaatirta degmooyinka iyo dhakhaatiirka ka hortagga cudurrada faafa ee degmooyinka tirada sariiraha iyo heerka heegaanka daryeellida dadka aad u buka ee cisbitaallada cudurka ka yimi dibedda, xayiraadaha soo gelidda waddanka iyo karantiilka soo gelidda waddanka sida dawladdu uga shaqaysay in dadka Norway helaan tallaal istiraatiijiyada tallaalka iyo hirgelinta tallaalista koroonuhu si siman dadka uma saamaynin Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 4

  5. Xog-ururinta xog badan oo mug weyn ayaa la guddoomay boqollaal qof ayaa lala yeeshay wadahadallo aan rasmi ahayn, shirar iyo kormeerid 78 sharraxaad rasmi ah 9 ukuurgal oo ay khabiirro sameeyeen Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 5

  6. Su'aalaha aannu weydiinay Maxaa dhacay intii lagu jiray safmarka koroonaha? Maxaa sabab u ahaa wixii dhacay? Cawaaqib noocee ah ayaa ka dhashay? Waxyaalaha wax laga baran karo iyo talooyin Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 6

  7. Qaar ka mid ah waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday 1. Dadweynaha iyo dawladda Norway guud ahaan si wacan ayay u maareeyeen safmarki koroonaha. Norway waxay ka mid tahay wadamada Yurub ee: dhimashada iyo culeyska cudurku ugu yaraayeen culeyska xayiraaduhu ugu yaraayeen hoos u dhaca dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ugu yaraa Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 7

  8. Qaar ka mid ah waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday 2. Shakhsiyaad ayaa sameeyay dedaal ka badan inta laga fili karo. Adeegyada caafimaadka, hay adaha dawladda, degmooyinka iyo dhowr ka mid ah qaybaha ganacsiga ayaa muujiyay isbeddel, furfurnaan iyo awood shaqo oo cajiib ah. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 8

  9. Qaar ka mid ah waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday 3. Dawladdu si wacan diyaar uma ahayn markii uu yimid safmarka covid-19 ee khatarta ahaa ee weynaa. mid ka mid ah waxyaalaha ugu muhiimsan ee lagu ogaaday warbixintii koowaad waxa sii xoojiyay baadhitaankii aannu ku samaynay heeganka daryeelidda dadka aad u buka ee cisbitaallada iyo xaaladda dhakhaatiirka degmooyinka Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 9

  10. Xaaladda dhakhaatiirta degmooyinka ee xilligii cudurka Waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday: Dhakhaatirta degmooyinku si ku filan diyaar uguma ahayn cudurka safmarka ah. Dhakhaatiirta degmooyinku waxay sameeyeen dedaal shaqo oo aad uga badan inta laga fili karo. Xeerarka iyo tallaabooyinka cusub waxay ka ogaan jireen war- saxaafadeedyada. Waxyaalaha wax laga baran karo: Waa muhiim in degmooyinku ay arkaan qiimaha shaqada dhakhaatiirta degmooyinka, xilliga ay xaalad adag jirto iyo xilliyada kaleba Waxa wacan in degmooyinku hubiyaan in shaqooyinka dhakhtarka degmadu aanay aad ugu tiirsanayn shakhsiyaad yar. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 10

  11. Heeganka daryeelka dadka aad u buka ee cisbitaallada Waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday: Heeganka daryeelidda dadka aad u buka ee cisbitaallada ayaa ka hooseeyay intii la rabay markii koroonuhu yimid Norway. Dawladdu way ogayd cilladaha heeganka cisbitaallada. Waxa la bilaabay shaqo loogu kuurgalayo baahida daryeelidda dadka aad u buka, laakiin waa la joojiyay - waxa la isku afgaran waayey waxa booska daryeelidda bukaan daran uu yahay. Talo soo jeedin: In kor loo qaado awoodda caadiga ah ee qaybaha dadka aad u buka iyo qaybaha dhexe. Waa in la tababbaro oo la soo saaro kaalkaaliyeyaasha caafimaadka ee bukaanka daran

  12. Dawladda ayaa si weyn gacanta ugu haysay maaraynta Kiisas badan ayaa loo gudbiyay dawladda si ay go aan uga gaadho, iyadoo wakhtigu ku yar yahay. Ciriiriga wakhtiga ah waa la yaran kari lahaa haddii la kala saari lahaa go aammada laga rabo xukuummada iyo kuwa hay adaha ka hooseeya ku filan yihiin. Wakhti ku filan lama siin sida cudurku isu beddeli doono iyo sida loo xakamayn doono. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 12

  13. cudurka ka yimi dibedda, xayiraadaha soo gelidda waddanka iyo karantiilka soo gelidda waddanka Hay adaha dawladdu tallaabooyin adag ayay dadka qaar ku soo rogeen Tallaabooyinku waxay ahaayeen kuwo degdeg lagu sameeyay, aan si wacan lagala tashan kuwa fulinaya xeerarka oo islamarkaana marar badan la beddelay. Waxa yarayd aqoonta ku saabsan faa iidada iyo khasaaraha tallaabooyinku bulshada u soo jiidayeen. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 13

  14. Soo iibsiga tallaalka Waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday: Dawladdu si wacan ayay ugu guulaysatay in dadku helaan tallaal. Istaraatiijiyadii ahayd in Norway ku biirto iibsiga tallaalka ee Midowga Yurub ayaa ahayd tii ugu wanaagsanayd ee Norway ay dooran karaysay. Norway way nugushahay oo kama maaranto isbahaysiyada caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka. Niyad-wanaagg iyo caawinta Midowga Yurub iyo waddamo Yurub ah ayaa u sabab ah guushan. Cashar laga baran karo: Si wax looga qabto meelaha aynu ka jilicsan nahay waxa muhiim ah in Norway si wacan ugu biirto wadashaqaynta caafimaadka ee la xoojiyay ee Midowga Yurub. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 14

  15. Istiraatiijiyadda tallaalka iyo hirgelinta tallaalista Waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday: Tallaalista dadweynaha waa lagu guulaystay waxayna keentay in dadka tallaalan aad u bataan. Haddii xilli hore tallaalka loo badin lahaa meelaha uu cudurku ku badan yahay waxay dawladdu ku sii guulaysan lahayd inay gaadho hadafyadii ku saabsanaa ilaalinta caafimaadka iyo yaraynta dhibka ku imanaya bulshada. Istaraatijiyaddii tallaalku in ku filan gacan kama geysan in dhibta laga ilaaliyo carruurta iyo dhallinyarada. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 15

  16. Safmarku wuxu si xun u saameeyay carruurta iyo dhallinyarada iyo ardayda Waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday: Hay adaha dawladdu kumay guulaysan inay carruurta iyo dhallinyarada dhibta uga ilaaliyaan si waafaqsan hadafyadii ay iyagu samaysteen. Si buuxda uma aragno cawaaqibka arrinkaas, laakiin waxaan aragnaa waxyaalo walaac leh. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 16

  17. Safmarku wuxu si xun u saameeyay dadka ajnebiga ah Waxyaalaha ugu muhiimsan ee la ogaaday: Dadka ajnebiga ah ee Norway ku nool waxay ku badnaayeen tirada dadka cudurka qaaday iyo dadka aad ugu bukooday, waxaanay ku yaraayeen tirada dadka tallaalan. Dawladdu si ku filan diyaar umay ahayn maaraynta arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha, xaaladaha nololeed iyo bulsheed ee caqabad ku ahaa in dad badan oo ajnebi ah is baadhaan, gooni uga baxaan dadka iyo inay is tallaalaan. Waxay qaadatay wakhti dheer in la qaado tallaabo loogu talagalay qaybtan dadweynaha. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 17

  18. Safmarku wuxu sii kordhiyay farqigii u dhexeeyay qaybaha bulshada Qaar ka mid ah qaybaha bulshada waxa isu raacay dhowr arrimood oo khatar ah. Arrintani si weyn bay u khusaysaa carruurta iyo dhallinyarada. Waxa wacan in dawladdu si dhow ula socoto xaaladda oo ay markiiba qaaddo talaabooyin yaraynaya cawaaqibka. Waxa wacan in tallaabooyinku yihiin kuwo muddo dheer soconaya oo toos u beegsanaya halka dhibku ka jiro. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 18

  19. Laba talooyin oo ah kuwo guud Si diyaar loogu noqdo xaaladaha adag ee mustaqbalka iman kara. 1. Waa in dawladdu ay hirgeliso tallaabooyin lagu yaraynayo khasaaraha ka iman kara khatara la og yahay. 2. Waa in dawladdu ay in intii hore ka badan diiradda saarto nuglaanta khadadka caalamiga ah ee badeecaduhu u soo maraan Norway. Guddiga Koroonaha 29-kii Abriil 2022 19

Related


More Related Content