Somali Constitution and Legal Framework

 
Jaamacadda Ummadda
Soomaaliyeed
 
Hordhac Aragtida ku Saabsan Ku dhaqanka
Dastuurka iyo Isbarbardhig Sharciga
Dastuurka
 
2
 
Dulamar
 
Waa maxay Dastuur?
Caalaamadaha u gaarka ah Dastuurka
Figradda Gobonnimada
Kala sareeynta Shuruucda
Meelmarinta Qodobada Dastuurka
Qodobada khuseeya Shareecada Islamka oo ku jira Dastuurka
Maxaa loo sameeynayaa isbabardhig Sharciga Dastuurka?
Mowduucyada iyo Qaab-dhismeedka Taarikheed ee
Dastuuradii Soomaaliya
 
Waa maxay dastuur?
 
 
Si kooban/macmo rasmi ah:
 
Waa nuqul qooraaleed oo lagu soo uruuriyay xeerar
saldhig u ah xukuumadda dal.
Si Ballaaran/macnawi ah:
 
Waa qoraal wada-dhan oo saldhigga u ah xerarka (mid
qoran ama mid aan qornayn) oo u dejinaaya xeerarka
aasaaska u ah xukuumad dal ay leedahay
 
Waa maxay dastuur?
 
 
Nuxur ahaan, dastuur waa sharci wada-dhan oo siinaaya:
Awood masuuliyiinta dawladda;
 
Nidaaminaya xiriirka aasaasiga ah ee u dhexeeya
masuuliyiinta dawladda dhexdooda;
 
Nidaaminaya xiriirka aasaasiga ah ee u dhexeeya
masuuliyiinta dawladda iyo qof shakhsiga ah.
 
Waa maxay dastuur
?
 
Intaa waxaa dheer, dastuur waxaa ku jira mabaa’dii wax hageysa, sida
qiyamka iyo hadafka qaabka sharci uu leeyahay dal oo ay tahay in uu
ku salaysnaado dimuqraadiyada, talinta sharciga ama fulinta xuquuqda
aadanaha;
Sidoo kale, dastuurka kuma jiro oo keliya xeerar qaabeenaya  a
constitution usually does not only contain rules which nidaaminaya
fulinta awoodda siyaasadeed balse wuxuu xakameynayaa ku
dhaqankiisa.
Badi dastuurada waxay qoraan ilaalinta xuquuqda qofka muwaadinka
ah iyo madaxbanaanida hayadaha si loo xaqiijo wax-ku oolnimada
xukuumadda isla markaana aysan ku dhaqmin sharci darro oo ay ku
dhaqmo xadka uu u dejiyay dastuurka.
 
Waa maxay dastuur
?
 
Fikradda ku dhaqanka dastuurka waa fikrad in awoodda dal uu wax ku
fulinaayo ay noqoto mid ku saleysan isla markaana waafaqsan
awaamiirta dastuurka.
Haysashada nuqul dastuur ah ama awaamirtiisa macnaheedu ma ahan in
awoodda dal uu ku dhaqmaayo in uu raacaayo sidii la rabay.
Badanaa, dastuurada waxaa loo haystaa mid ku qancin oo keliya.
Awoodda waxaa lagu fuliyaa awaamiir ka baxsan sharciga oo iyagu
keensaday taasoo gaarsiisan xirtaan sharci darro ah iyo ku xadgug
awoodeed.
Hadaba, fikradda ku dhaqanka dastuurka waa dhaqan siyaasadeed oo
loo baahan yahay in la hormariyo si loo xaqiijiyo waafaqsanaado
awaamiirta horay lagu raacay ee dastuurka  iyo la xisaabtanka iyo ku
takrifalka awoodeed oo la filaayay.
 
Waa 
M
axay ku 
D
haqank
a Nidaamka 
Dastuuriga?
 
Culumada reer Galbeedka ee casrigaan waxay soo dhoweeyeen
qiyamka furan (liberal value) oo ay u arkaan in ay tahay hawsha
aasaasiga u ah dastuurka iyo in la xadido xadka awoodda xukuumadda
iyo in la tilmaamo qaabka ay u fulinaayaan si loo ilaaliyo xuquuqda
muwaadinka inta ugu badan ee suurtagalka ah.
 
Dastuurada waxaa badanaa ku fuliyaan hawlahaan hab:
Kala qabinta awoodaha;
In la kaashado mabaa’diida dimuqraadiga; iyo
Qaab dib-u eegis garsoor.
 
 
 
Waa Maxay ku Dhaqanka Nidaamka Dastuuriga?
 
Culumo qaar ah waxay ku fasireyn dastuurka ”heshiis bulsho” oo u
dhexeeya bulsho wada nool: In ay si haboon u raadiyaan hadafkooda
wadaaga ah, si xor ahna ugu heshiiyaan in ay sameystaan nidaam
dawladnimo.
 
Nidaamkan wuxuu abuurayaa waajibaad saaraan bulshada iyo
wakiilada masuulka uga ah qaab-dhismeedka awood wadaagga ah.
 
Waajibaadkaan ayaan siinaya sharciyad ka timid heshiiska bulshada.
 
Sharciyadda waajibaadkani waxay ku fasirayaan culumadda eryga ah
dastuur.
 
 
Tilmaamaha Dastuurka
 
Mid qoran ama mid aan qornayn
Dastuurka qoran 
badanaa waxaa ku urursan yahay hal nuqul
ama nuqullo isku xiga oo qodobeysan sida dastuurka
Mareykanka.
 
Dastuurka aan qornayn 
wuxu isugu jira mid qoran iyo mid aan
qornayny oo aan qodobaysnayn, ku urursanay hal nuqul,
tusaale Boqortooyada Ingriiska iyo New Zealand.
 
Tilmaamaha Dastuurka
 
Kacaan ama wax tartiib-tartiib u kobca
Kacaan 
wuxuu la jaanqaaday marxald cusub; ansixintiisana
waxay bilaabatay “xili dastuureed”, oo ahaa marxalad
nidmaakii haore lagu bedelay nidaam cusub, tusaale ahaan
ansixinta dastuurka Maraykanka xornimada ka dib.
 
Kobaca dastuur  
wuxuu hormaray mudooyin tusaale ahaan
qaab-dhismeedka dastuurka UK.
 
 
Tilmaamaha Dastuurka
 
Midka adag ama Midka jilicsan
Dastuurada Adag 
waa kuwa wax-ka-bedelka dastuurka in la
sameeyo  ay adag tahay waxayna u baahan tahay habraac gaar
ah. Tusaale ahaan, Dastuurka Maraykanka waxaa lagu
bedelikaraa oo keliya marka la helo  2/3 aqlabiyada labada
aqal oo kakooban Koongreeska iyo ansixinta ¾ golaha sharci-
dejinta gobollada. Waxaa intaa dheer qodobo sii adkaynaya in
la sameeyo afti dadweyne iyo codayn toos ah ee degaan
doorasho sida dalka Switzerland.
 
Dastuurada Jilicsan 
uma baahna habraac gaar ah isbedelkana
waxaa lagu samayn karaa shuruuc caadi ah. Tusaale ahaan,
dastuurka UK waa mid jilicsan iyadoo wax loogu bedelikaro
codayn sahlan Baarlamaanka, eeg sharciga dib-u-habaynta
dastuurka ee 2005.
 
 
 
Gobonnimo
 
Gobonnimada dibada  
macnaheeda waxay tahay
suurtagalnimada uu dal ku koontorooli karo shacabkiisa iyo
dhulkiisa iyadoo faragelin dibada uga iman.
 
Gobonnimada Gudaha 
macnaheeda waxay tahay in ilaha
awooda dawladda ay ka timaado gudeha dalkeeda
Waa maxay ilaha awooda dawladda ee asalka ah, waa kuwa
ku kala duwan dawlada iyo bulshooyinka.
 
Dibada vs. Guddaha
 
Gobonnimo
 
Gobonnimada Shacabka 
mecnaheeda waa gobonnimo ay
leeyihiin shacabka laguna ayiday dimuqraadiyad jamhuuri ah
taasoo macnaheedu tahay awooda shacabka ayaa go’aaminaya
arrimaha siyaasada ee dawladda lagu nidaamiyay, tusaale
ahaan “Anakoo ah Shacabka…”
 
Gobonnimada Boqortooyo 
mecnaheeda waxay tahay
gobonnimada boqorka ayaa go’aaminaya isagoo wakiil ka ah
dadkiisa, taasoo badanaa ay la socoto sharciyad diini ah
awoodiisa, tusaale ahaan, “ Ilahay mahadiisa, Anka,
Boqorka…”
 
Mid Shacab vs. Mid Boqortooyo
 
Gobannimo
 
Gaar ahaan wadamo muslim ah iyo culimo sharciga ah waxay
qabaan in fikradda gobonnimada shacabka ama boqortooyada
ee hareereyn karto fikradda Shuruucda Samaawiyada ah
taasoo waajib kaga dhigayso shacabka ama xaakimyada oo
isla markaana ay xadideyso awoodda ilaha ay ku xukumi
karaan dawladda, tusaale ahaan, Qodobka 1aad ee sharciga
aasaaska ah ee Saudi Arabia: “
Saudi Arabia waa dal
madaxbannaan carab ah oo Islaam ah. Diinteeda waa islaam
dastuurkeedana waa Quranka Kariimka ah iyo Sunada
Nabiga SCW.
 
Shacbiyad/Boqortooyo vs. Samaawiya
 
Gobonnimada
 
Fikrad oo aad uga duwan gobonnimada waxaa laga helayaa
dalka boqortooyada UK taasoo isha keliya ee awoodda
dowaladda ay ka imaanaayso Baarlamaanka, Aqalka,
Commons, Aqalka Odaaasha iyo Boqortooyada (Boqorka oo
ka mid ah Baarlamaanka), taasi waxaa lagu magacaabaa
gobonnimda baarlamaaniga ah.
 
Shacbka iyo Boqortooyada midna ma fulinayso gobonnimada
balse waxaa fulinaya wakiilo la soo doortay ee ku jira Aqalka
Commons iyo dhaxaltooyada Boqortooyada iyo xubno ay soo
magacaawday ee boqortooyada ee ka mid ah Aqalka
Odayaasha.
 
Shacab vs. Baarlamaani
 
Gobonnimo
 
Gobonnimada Qaranka 
badanaa waxay la mid tahay gobonnimada
shacabka balse waa fikrad ka duwan maadaama qaranka uu yahay isha
keliya ee siinayasa awoodda dawladda.
Farqiga u dhexeeeya waxay tahay gobonnimadda shacabka waxay
tilmaamaysaa oo keliya shacabka ku nool dalka kuwaasoo u leh awood
inay ku nidaamiyaan danahooda sida ay u arkaan iany ugu haboon
tahy, halka gobonnimada qaranka ay tahay mid falsafad ahaan
daahsoon fikradeeda waxayna gaarsiisan tahay jiilka la soo dhaafay
iyo kuwa soo socda iyo sidoo kale shacabka hada jooga.
Tuslaale ahaan gobonnimada Belgium waxay saaran tahay qaranka
(jiilkii hore, jiilka hada iyo jiilka soo socda ee dalka Belgians)
qarankana waxaa matala Baarlamaanka oo qaadanayo go’aano isagoo
wakiil ka ah qaranka.
 
Shacab vs. Qaran
 
Gobonnimada
 
Gaar ahaan nidaamyada federaalka oo ay samaysteen dalal
horay u madaxbanaanaa, dalalka xubnaha federaalka ka ah
waxay ku andacoonayaan inay sii haysanayaan
gobonimadooda aysan u wareejinayan heerka federaalka taas
waxaa lagu magacaabaa gobinimo 
dal
.
 
Hadaba tani, mahan mid ka duwan fikradii gobonnimada
maadaama dawladaha xubnta ka ah federaalka gobonimada
gudaha weli loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah federaalka.
 
Shacab vs. Dal
 
Kala 
S
araynta Shuruucda
 
Dastuurka lama mid ahan shuruucda caadiga ah. Farqiga ugu
wayan waxay tahay dastuurka guud ahaan waa sharciga ugu
sareeya dal sidaa daraadeed waa midka shuruucda ugu sareeya,
dhamaan shuruucda kale waa inay waa faqsanaadaan dastuurka.
 
dhamaan hay’adaha dawladda waa inay ixtiraamaan dastuurka
sababtoo ah waa sharciga ugu sareeya dalka.
Saraynnta Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dhulka badanaa
waa mid maldahan balse wadamo qaar ah way cadeeyaan.
Tusaale ahaan, Qod. 9aad ee Dastuurka Ethiopian wuxuu sidoo
kale qorayaa dhamaan shuruucda iyo falalka saraakiisha oo aan
waafaqsanayn dastuurka mahan kuwo leh dhaqangelin sharci
.
 
Kala Saraynta Shuruucda
 
Dhanka kale, dastuurka mahan oo keliya inuu yahay midka
saldhiga u ah sharciga balse waxaa jira ila kale ee sharciga oo
golaha sharci-dejinta ee dal ay ka dhigtaan saldhig shaqadooda.
Ilahaas waxay noqon karaan dhaqamada shacabka ama
mabaadiida diimaha. Wadamada muslimka gaar ahaan
dastuuradooda badanaa waxaa ku jira qodobo tilmaamaya in
shareecada ay tahay mid ka mid ah ama ay tahay isha ugu
muhiimsan ee sharciga.
 
Tusaale waxaa u ah dalka Imaaraadka Carabta (Qod. 7aad ee
Dastuurka),DalkaSudan (Qod. 5aad ee Dastuurka) ama dalka
Iraq (Qod. 2aad ee Dastuurka).
 
Kala Saraynta Shuruucda
 
Si kastaba ha ahaatee, ilahaasi sharciga ma ansixin karaan
hay’adda sharci-dejinta waxay ka hor imaanaysaa sareeynta
sharciga ee dalka, kaasoo ah dastuurka.
Si waafaqsan qodobada dastuurka, hindise sharciyeedyada ka
horimaanaya dastuurka waa kuwo aan la dhaqan-gelinayn ama
kuwo si toos ah u noqonaya wax kama jiraan ama ay ku
dhawaaqayso maxdakamadda dastuurka sidaasi.
Sidaa daraadeed ha’adda sharci-dejinta waxay ku qasban tahay
inay diyaariso shuruucda keliya ee ku jira “xeendaabka
dastuurka”.
Haddii sharci uu ka horimaanyo qodobo ka mid ah Dastuurka
wuxuu si toos ah uga soo dhacayaa “xeendaabka dastuurka”.
Dastuurka
Sharciga Ciqaabta
Sharciga gaarka
Sharciga Ganacsiga
Sharciga lawareegidda
Sharciga qofka
 
 
Kala Saraynta Shuruucda
 
Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka
 
Dhaqan-gelinta tooska ah:
 
Qodobada sida tooska waajibka ah waxay leeyihiin sharci
waajibanaya waxaana meelmarinaya Maxkamadaha dalka.
Qodobadaasi badanaa waxay u qoran yihiin si cad si loo
fududeeyo fahankooda iyo fasiraadooda muwaadinka iyo
maxkamadaha labaduba.
Tusaale ahaan, shuruucda xuquuqda badana waxay siinayaan
xuquuq ay tahay in la fuliyo. haddii dawladda ay ku
xadgudubto xuquuqda shaqsiga ee dastuuriga ah waxaa ka
hadlaya maxkamadaha si loo fuliyo xuquuqdaas .
 
Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka
 
Kuwa aan sida tooska ahan loo fulinayn:
 
Qodobada u qaabaysan sida mabaadiida, tilmaamooyink ama siyaasadaha
waxay saareysaa siyaasiinta iyo bulshada waajibaad dawladda, balse mahan
kuwo si toos ah loo fulinayo.
 
Tusaale ahaan, dastuurka Sudan waxaa ku jira Cutbka II mabaadii hagaysa
iyo tilmaamooyin. Gaar ahaan, Qod. 12aad wuxuu qeexayaa in dawladda ay
diyaarinayso siyaasado iyo istaraatiijiyo lagu xaqiijinayo cadaalad bulsho ee
shacabka Sudan, xaqiijintaas oo macnaheedo yahay noloshooda iyo
fursadaha shaqo siintooda.
 
Hase ahaatee, tilmaamahaas ma samayneyso in xaq kasta ama waajibaad
kasta lagu dacwoon karo maxkamadda , balse ay tahay ujeedada
siyaasadeed ee dalka ay doonayso in xukuumaada ay ku dadaasho inay
gaarto taasoo ah tilmaahama siyaasadda dawllad.
 
Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka
 
Waajib, balse ay ku xiran tahay fal sharciyad dheeraad ah:
 
Qodobo kale ayaa noqon kara waajib balse u baahan sharci
dheeraad ah ama fal maamul ka hor intaan la hirgelin.
 
Qodobadaasi badanaa waxaa lagu qaraa badanaa oraahda sida “si
waafaqsan sharciga”, oo macnaheedu yahay baarlamaanka ayaa ka
soo saaraya sharci gaar ah ee ku saabsan arrintaas ka hor inta
waajib uu noqon dhaqan-gelintiisuna waajib noqon.
 
Tusaale ahaan, Qod. 35aad  ee dastuurka Iraq wuxuu ilaalinayaa
xoriyadda iyo sharafta qofka iyo qofkasta oo la jirdilo “wuxuu
leeyahay xaq magdhaw ah”. Hadaba, magdhawga waa in lagu
nidaamiyaa si faahfaahsan sharicga ka hor inta maxkamdda aysan
dhaqan gelin magdhawga.
 
Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka
 
Xadidaadyo:
 
Si kastaba ha ahaatee, arrinta la xirriirta waajibaadka dawladda
ee dhanka xuquuqda aadanaha (gaar ahaan xuquuqda bulshada
iyo dhaqaalaha) waajibaadka arrimaha qodobka waxaa xadidaya
awoodda dawladda ay u leedahay dhab ahaan inay fuliso
waajibaadka uu saaray qodobada.
Tusaale ahaan, xuquuqda bulshada iyo dhaqaalaha (sida xaqqa
guriyeeynta, daryeelka caafimaadka, cuntada iyo iwm.)
Dastuurka dalka South African wuxuu u xadidayaa isdan tan
“dawladda waa inay qaadaa sharci maangal ah iyo talaabooyin
maan gal ah iyadoo ay ku xiran tahay awoodeeda dhaqaale si ay
u gaarto xaqiijinta si balaaran” ee xuquuqdaasi (Faqradda 27aad
ee Dastuurka South African).
 
Waxaa jira shuruuc kala duwan ee ku jira dalal Mulim ah
kuwaaasoo la xiriira diinta Islaamka.
 
Dastuuradaasi oo la xiriira mabaadiida lagu dhisayo
Jamhuuriyad Islaam ah waxaa ku jira tilmaamooyin kala
duwan ee la xiira diinta laga bilaabo dhisidda dal ku dhisan
diin ilaa aasaaska Islaamka ee nidmaaka waxbarashada iyo
abuuridda maxkamado shareecada ah.
 
Qodobada Islaamiga ah ee ku jira
Dastuurka
 
qodobadan “Islamiga ah” waxaa loo qaybin karaa labo
qaybood:
 
Kowa koobaad, oo si toos ah saamayn ku leh qaab
dhismeedka dawladda oo ay ka mid yihiin kuwa
tilmaamayo shareecada Islaamka iyo kuwa sheegaya
mabaadiida ilaha sharciga iyo kuwo ku dhawaaqaya
dib-u-eegis shuruucda in lagu saleeyo shareecada
Islaamka..
 
Kuwa labaad, qodobada dastuuradaasi taasoo ku soo
daray mabaadiida aasaasiga ah iyo afkaarta saldhiga u
ah Islaamka nolosha Shacabka.
 
Qodobada Islaamiga ah ee ku jira Dastuurka
Dib-u-eedista
shuruucda si
loo waafajiyo
shareecada
Islmaaka
Sharciyada uu
soo saaro waa
inaysan ka hor
imaan
Caqiidada
Islaamka ama
waajibaadkeed
a
Sinaanta u
dhexeysa
dhamaan
qoomiyada
ha iyo
qabaa‘ilka
Waajibka
saaran inay
abuurto bulsho
ku salaysan
cadaalad bulsho
ilaalisana
qoyska
Waajibka
dawladda
ee
horumarint
a
waxbarasha
d
 
Waxay raad toos ah ku yeelanaysaa
qaab-dhismeedka dawladda
 
waxay ku wajahan
tahay siyaasadda
dawladda
Xuuquuqda
Aadadana
Maabdiida Jamhuuriyadda Islmaami ah
 
Maqaamka Shareecada Islaamka
 
Marka laga baaraan degayo hababka kala duwan ee sharaceeda
islaamka lagu darayo dastuurka waxay loo qaybin karaa qaabab
kala duwan:
 Sareynta Shareecada Islaamka
 Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka dhexdiisa
 Shareecada oo ah Isha Aasaasiga u ah sharciga
 Waafaqsanaanta shuruucda ee shareecada Islaamka
 Nidaamka cilmaaniga oo tilmaamaya shareecada Islaamka
 
 
Sareynta Shareecada Islaamka
 
 
Hal nooc oo qaadanaya su’aasha ah in shareecada Islaamka ay
tahay mida ugu sareeysa iyo in fikradda ah dastuurka uu yahay
midka ugu sareeya inay waafaqsan tahay fikrada ah Jamhuuriyad
Islaam gabi ahaan.
 
Fikradda ah in qaabkanoo ah in Jamhuuriyadda Islaamka aan lagu
xukumi karin Sharci uu sameeyay qof, kaasoo waajib uga dhigaya
hay’adaha dawladda ama dhamaantood.
 
Marka la raacayao qaabkani Shareecada Islaamka ee Samaawiga ah
waa mida keliya la dhaqan gelinayo.
 
Tusaale ahaan, Nidaamka sharciga ee Saudi Arabia, wuxuu ku
salaysan yahay aragtida ah inaysan jirin sharci ee dawladda aan
ka ahayn shareecda.
 
Natiijada fikraddan in aragtida dastuureed ee Saudi Arabiya,
dalka malahan dastuur rasmi ah gabi ahaantiis.
 
Sareynta Shareecada Islaamka
Shareecada
Sharciga
Ganacsiga
Dastuur
 
Sahrciga
Ciqaabta
Sharciga
wareejinta
Sharciga
Gaarka ah
Sharciga
Qofka
 
Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu doodaa in Shareecada la
qoray waqti hore iyo in meesha imaan karto in la isweydiiyo
su’aalo go’aanada saldhigga u ah xaaladda dhab ah ay ku
sugnaayeen bulshada iyo baahidooda.
Aragtidaani, culamada diinta iyagoo taagyeeraya waajibaadka
ka dhalanaayo Shareecada ayaa tilmaamaya in loo baahan
yahay in dastuurka iyo sharciyada ku dhisan dastuurka ay
waafaqsanaadaan Shareecadda maadaama dawladda ay haysato
dastuur aan Islaam ahayn ama shuruuc aan Islaam ahayn si sax
uguma sheegan karaan in ay haystaan  ah fikrada ah
Jamhuuriyad Islaam ah.
 
Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka Dhexdiisa
 
Tusaale, eeg Qod. 4 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee
Iran:
Dhammaan madaniga, ciqaabta, dhaqaalaha, maamulka,
dhaqanka, ciidamada, siyaasiyiinta iyo shuruucda kale iyo
xeerarka waa in ay ku saleysnaadaan shuruudaha Islaamka.
Mabaa’diidaan waxaa lagu dhaqayaa si gaar ah iyo si guud ahba
dhammaan qodobada Dastuurka iyo sidoo kale dhammaan
shuruucda iyo xeerarka kale;iyo in culumada fuqaha' ee Gole
Ilaalada ay yihiin garsoorayaasha arrimahaani.
Qodobka 3 iyo 4 ee Dastuurka Kmg ah ee Soomaliya wuxuu qorayaa
si la mid ah aragtidaasi.
 
 
 
Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka Dhexdiisa
Dastuurka
Aasaaka u ah Shareecada Islaamka
 
Dhamaan waa inay
waafaqsanaadaan Shareecada
 
Sharciga
Ganacsiga
Sharciga
Ciqaabta
Sharciga
kala
wareejinta
Sharciga
gaarka ah
Sharciga
qofka
 
Wadamo badan oo ku daray Shareecada Islaamka oo ku daray
dastuuradooda, waxay ku dareen qodobo tilmaamaya in
Shareecada tahay saldhiga aasaaska sharciga.
Qaabkan wuxuu ka dhigayaa Shareecada Islaamka inay ka
sareeyso sharciga uu ansixiyo Baarlamaanka,  hase ahaatee ay
ku jirto qaab dhismeedka sharciga ee Dastuurka taasina ay ka
dhigayso mid ka mid ah heerarka kala sareeya ee shuruucda.
 
Tusaale ahaan, eeg Qod. 2 ee Dastuurka Masar:
Islaamka waa diinta dalka, Luuqada Carabigana waa midka
rasmiga ah. Mabaadiida Shareecada Islaamka waa
mabaadiida ay ka soo unkamaan sharciga.
 
 
Shareecada oo ah Isha Aasaasiga u ah sharciga
Shareecada
Dastuurka
Si Waafaqsan Shareecada Islaamka
 
Sharciga
Ganacsiga
Sharciga
Ciqaabta
Sharciga
kala
Wareejinta
Sharciga
Gaarka
Sharciga
Qofka
 
Waxaa jira dastuura kale kuwaasoo oo keliya dalbaya in
shuruucda waafaqsan yihiin mabaadiida Shreecada Islaamka,
halka waafqasanaanta loo daayay aragtida qofka.
Tusaale ahaan, eeg Qod. 3aad ee Dastuurka Afghanistaan
Sharci ka hor imaan karo mabaadiida iyo qodobada diinta
Islaamka ee Afgaanistaan.
 
Waafaqsanaanta shuruucda ee shareecada Islaamka
Shareecada
Dastuurka
 
Sharciga
Ganacsiga
Sharciga
Ciqaabta
Sharciga
kala
wareejinta
Sharciga
Gaarka
Sharciga
Qofka
 
Wadamo qaar oo ka mid ah dalalka Islaamka ugu badan ayaa
haysta nidmaaka calmaaniga, waxay ku tilmaamaan meelo qaar
ah Dastuuradooda.
 
Arrimaha Shareecada Islaamka waxaa lagu dhaqaa oo keliya
dadka muslimka; arrimaha badi la xirrira sharciga madaniga sida
guurka ama kala wareejinta.
Tusaale ahaan, eeg Qod. 7aad ee Dastuurka Gambia:
Waxaa dastuurka  intaa dheer shuruucda Gambia waxay ka
kooban tahay… (f) shareecada waxay la xirriirtaa arrima
guurka, furiinka iyo dhaxalka ee bulshada ka tirsan Gambia
ayaa lagu dhaqayaa.
 
Nidaamka cilmaaniga oo tilmaamaya shareecada Islaamka
Shareecada
Dastuurka
 
Sharciga
Ganacsiga
Sharciga
Ciqaabta
Sharciga
Kala
wareejinta
Sharciga
Gaarka
Sharciga
Qofka
 
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga
Dastuurka?
 
 
Tusaalooyinka aan kor ku soo sheegnay waxay tilmaamayaan
sida ay noogu cadeeynayaan in la darso xaaladaha dalal kale si
loo fahmo xaaladahooda iyo arrimahooda gaarka ah.
 
Isbar-bardhiga sharciga dastuuriga wuxuu noqday mid aad
muhiim u ah sanadahii la soo dhaafay balse u ay u
baahantahay in laga taxadaro, gaar ahaan marka la
isticmaalayo si lagu wargeliyo geedi socodka dastuur hada
socda.
 
 
 
 
 
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga
Dastuurka?
 
Mowduuca sharcia isbar-bardhiga dastuurka tobaneeyadii sano
ee la soo dhaafay aad buu sare ugu kacay sababo dhawro ah
awgeed:
1)
Kororsiimada qoritaanka dastuuro cusub iyo kala guurka
loogu guurayo dimuqraadiyad dastuuri ah dacalada dunida
ku kala yaala. Tusaale ahaan, Bariga Yurub, Sub-Saharan ee
Afrika iyo Latin America.
 
1)
Aqoonsiga caalamiga ah ee xuquuqda aasaasiga ah ee qofka
ee ku xusan qaanuunka dawliga, sida sharciga xuquuqul
Insaanka ee caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (UDHR
1948, ICESCR 1976, ICCPR 1976). Sidoo kale,
qaramaynta/in la qarameeyo xuquuxda aasaasiga ah ee
caalamiga ah dastuurk kasta ee wadan kasta.
 
 
 
 
 
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga
Dastuurka?
 
3)
Soo deensasho dastuur: shuruucda wadamo qaarkood waxaa
dhaqan geliya wadamo kale. ama dhanka kale, shuruucda
dal ayaa diidi kara dal kale sababo taariikheed, dhaqameed,
siyaasadeed ama kala duwanaansho kale; mararka qaar si
looga fogaado dhibaatooyin dastuureed ama arrimo soo food
saaray dal kale.
4)
Iaydoo ay korortay xiriirka, isdhexgalka, isweydaarsiga ama
wadahalaka  u dhexeeya garsoorayaasha iyo khubarada
sharciga dastuurka/ culimada dalal badan oo kala duwan
waxay fududeeyeen falanqaynta isbar-bardhiga; iyo
5)
Helitaan balaaran arrimo la xirriira sharci iyo shuruuc dalal
kala duwan, tusaale ahaan aaladda Internetka, wuxuu ka
dhigay falaqaynta isbar-bardhiga wuxuu ka dhigay mid la
heli karo in badan.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga
Dastuurka?
 
Si kastaba ha ahaatee, iayadoo laga baaraan degayo isbar-
bardhiga sharciga dastuurka waxaa cadaatay inay tahay mid
dhibaato ku ah tiro badan oo habraac dastuuri ah. Maadaama
soo ergasashada ama ku biiritaanka xeerar dastuur ee dal leh
oo lagu beerayo dal kale waxay keentay natiijo aan
haboonayn.
 
Hadaba waxaa muhiim ah in maskacda lagu hayo in xeerarka
dastuuriga ay ku haboon tahay xaaladda siyaasadeed iyo
bulshadeed ee dhaqan oo uu dal leeyahay iyo in nidmaaka
sharci ee dal kale loo baahan yahay in laga feejignaado.
 
 
 
 
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga
Dastuurka?
 
 
Si loo hormariyo fahmka ama loo fasiro qodobada ee dastuur
qaran ee dal iyadoo la bar-bardhigayo wadamo kale.
 
In wax laga barto waayo aragnimada dalal kale ee habraaca
wax-ka-bedelka ama dhaqan-delinta dastuurka dal; iyo in la
qeexo “farsamooyinka ugu wanaagsan” ay hirgeliyeen
arrimaha dalkaasi lagu xusay.
 
 
Faa’idooyinka Ugu waawayn:
 
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga
Dastuurka??
 
 
Si loo falanqeeyo sabaha ay iskaga midka yihiin ama ku kala
duwan yihiin ee u dhexeeya dastuurada dalalka.
 
Dastuurada dalalka qaar waxaa loo ogol yahay inay tix
geliyaan ama ay ansixiyaan shuruuc dal kale. Tusaale ahaan
Dastuurka Koofur Afrika (Qod. 39 (1) (c) ) wuxuu xoojinayaa
maxkamadaha inay tixgeliyaan shuruucda dalalka dibada
marka ay fasirayaan shuruucda xuquuqda.
 
Faa’idooyinka Ugu waawayn:
 
Taariikhda Shuruucda Dastuurada Soomaliya
 
Soomaaliya waxay leedahay taariikh mug leh ay ku soo saartay
nuqlp Dastuureed :
 
Dastuurka1960
Dastuurka1979
Dastuurka1990
Axdiga Qaranka ee  KMG 2000
Axdiga Federaalka ee KMG 2004 Transitional Federal
Charter
Datuurka KMG 2012
 
 
Dastuurka ee 1960
 
Waxaa la ansixiyay xornimada marka la qaatay 1960 ka dib
waxaa lagu ansixiyay afti dadweyne sanad ka dib.
Gogol-dhig: “Waxaan ku bilaabayaa 
Magaca Ilaahay  …
 
Qod. 1 (2): “
Gobannimada waxaa leh shacbiga ….. 
 
Qod. 2 (2): “
Xeerarka maamuleed oo aan sharciga waafaqsanayn
iyo sharcida aan waafaqsanayn Dastuurka waxaa lagu fasakhi
karaa 
 
 
 
 
 
Dastuurka 1960
 
Nidaamka calmaaniga ah oo tilmaamaya Islaam iyo shareecada.
 
Qod. 1 (3): “
Islaamku waa Diinta Dalka.
 
Qod. 30 (2): “
Hab dhaqanka qofeed ee Muslimiinta waxaa
xukuma mabaadi’da guud ee shareecadda Islaamka …..
 
 
 
 
 
 
Dastuurka 1979
 
Waxaa diyaariyay xukunka meliteriga kaasoo abuuray nidaam hal
xisboi oo hantiwadaag oo lagu ayiday afti dadweyne.
 
Qod. 1 (1): “
 
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyawaa
Qaran Hantiwadaag ah oo ay hoggamineyso dabaqadda
xoggsatada ahi, …”
Qod. 1 (2): “
Awoodda oo dhan waxaa leh Dadweynaha, wuxuuna
ugu isticmaalayaa isagoo adeegsanaya hay'adihiisa masila. .”
 
Qod. 7 (2): “
Xisbiga Hantiwaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa
leh awoodda ugu sareysa ee hoggaaminta siyaasadda,
dhaqaalaha iyo bulshada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Soomaaliya. .
 
Dastuurka 1979
 
Wuxuu ahaa nidaam calmaani ah oo adag balse uu xiganaaya
Islaam.
 
Qod.3 (1): “
Diinta Islaamku waa Diinta Qaranka 
.
 
Qod. 31: “
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu rumeeyo diinta
ama caqiiddadii kale ee uu aamminsan yahay- 
.
 
 
 
 
 
 
Dastuurka 1990
 
Waxaa la diyaariyay 1990 dabayaaqadii dawladdii Jamhuuriyada
Demuqraadiga ahayd ee Soomaliya  si ay mar kale u hanto
taageerada shacabka, balse lama meelmarin.
Gogoldhig: “
Shacabka Soomaaliyeed…
 
Qod. 1 (2): “
Awoodda oo dhan waxa leh Shacbiga, waxuuna ugu
isticmaalayaa, isagoo adeegsanaya hayadihiisa masuliyada, si
waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda
.
 
 
Qod. 8 (1): “
Dalka Jamhuuriyadda waxaa laga hirgelinayaa
nidaamka axsaabta badan.
 
 
 
Dastuurka 1990
 
Ujanjeeridda in la sameeyo Jamhuuriyad Islaam ah oo lagu
dhisayo in Islaamku tahay diinta dalka iyo in Shareecada ay tahy
mid “ugu muhiimsan” ilaha Sharciga.
 
Article 3 (1): “
Diinka Islaamku waa Diinta Dawladda.
 
Article 3 (2): 
“Diin aan ahayn midda Islamka laguma faafin
karo.”
 
Article 3 (3): “
Shareecada Islamka waa saldhig muhiim ah xagga
sharcidejinta.”
 
 
Axdiga Qaranka ee Kmg Ah ee 2000
 
Waxaa la ansiyay sanadkii 2000 kadib shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay
magaalada Carte ee looga heshiiyay in la soo afjaro dagaaladii sokeeye  ee
dalka ka jirtay in ka badan toban sanadood.
 
Gogoldhig:
 
ANNAGA oo matelaynna dhammaan shacbiga
Somaaliyeed, huwanna awoodiisa
;
 
Qodobka 1 (2)
 
Awoodda oo dhan waxaa leh shacbiga, wuxuuna
u isticmaalayaa si toos ah ama isaga oo adeegsanaya hay’adaha
matala, si waafaqsan Axdigan iyo shuruucda.
 
Qodobka 
1 (3) Jamhuuriyada Somaaliyeed waxey ku dhisnaan
doontaa nidamka federaalka ah, haseyeeshee xilliga KMG ah
waxaa lagu dhaqmayaa qaabka is-maamul goboleedka.
 
Axdiga Qaranka ee Kmg Ah ee 2000
 
Wuxuu u janjeeray la hormariyo dhisidda jamhuuriyad Islaam ah oo
ku dhisan Diinta Islaamka iyo Shareecada, Shareecadana ay noqoto
“Sakdhiga” laga soo qaato shuruucda.
 
Qodobka  2 (2)
 
Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin
karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka;
 
Qodobka 
4 (4) Shareecada Islaamku waa saldhigga sharci-dejinta
qaranka, sharci iyo xeer kasta oo khilaafsanna waa waxba kama
jiraan
 
Qodobka 
4 (5)  Sharci iyo xeer kasta oo khilaafsan Axdigaan waa wax
kama jiraan.
 
Qodobka 35 
Iswaafajinta axdigaan iyo shuruucda dalka iyo
shareecada Islaamka waxaa ilaalinaya Maxkamadda Sare, oo
go’aankeeda la xiriira ku muujinaysa xukun sababaysan loona faafiyo
sida qawaaniinta kale.”
 
Axdiga KMG Federaalka ee 2004
 
Waxaa la ansixiyay sanadkii 2004 Heshiiskii Mbagaati,
waxaana ka soo qayb-galay ansixintaasi gobolka buntland.
 
Gogoldhig: “
BismilIaahi Raxmaani Raxiim, Anagoo ah ergada
wakiilka ka ah dadka jamhuuriyadda soomaaliya …
 
Qod. 1 (1): “
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay yeelan
doontaa Xukuumad Federaal ku Meel gaar ah oo ku salaysan
rabitaanka dadka Soomaaliyeed.
 
Axdiga KMG Federaalka ee 2004
 
Qod.3 (2): “
Axdiga Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka waa
xeerka ugu sareeya oo ay hoosyimaadaan dhammaan dadka iyo
hay'adaha awoodda leh wuxuuna ka dhaqan gelayaa dhamaan
Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Sharci kasta oo aan la socon karin
ama ka horimaanaya Axdigaan wuxuu noqonayaa wax kama
jiraan.
Qod. 4 (3): “
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu maxkamad sare
hor keeno cabasho la xiriirta in sharci la faafiyey nuxur ahaan ama
qeyb ahaan uu yahay mid ka hor imanaya Axdiga.
Qod. 4 (4): “
Maxkamadda Sare waxa ay cabashooyinkaas go'aan
uga gaaraysaa sida ay u kala
mudan yihiin .
 
 
Wuxuu u janjeeray la hormariyo dhisidda jamhuuriyad Islaam ah
oo ku dhisan Diinta Islaamka iyo Shareecada, Shareecadana ay
noqoto “Sakdhiga” laga soo qaato shuruucda.
 
Qod. 8 (1): “
Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda
Soomaaliya.
 
Qod. 8 (2): “
Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah shuruucda
qaranka.
 
 
Axdiga KMG Federaalka ee 2004
 
Dastuurka KMG ee 2012
 
Waxaa ansixiyay Guddiga Ansixinta Qaranka sanadkii 2012 ka dib
markii ay soo diyaarisay khariidad siyaasadeed.
Qod. 1 (1): “
Soomaaliya waa Jamhuuriyad federaal ah, leh
gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha,
loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo
caddaalad bulshadeed.
Qod. 1 (2): “
Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (SWT),
awoodda oo dhan waxa leh Shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa
si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hay’adihiisa uu u xilsaartay, si
waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda. Waxaa reeban in qof ama
qayb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada Jamhuuriyadda
Federaalka ee Soomaaliya ama u adeegsadaan si u gaar ah.
 
Dastuurka KMG ee 2012
 
Qod. 4 (1): “
Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya,
isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna
hagayaa hal-abuurka 
i
yo go‘aanadda Siyaasadeed 
ee qaybaha
Dawladda oo dhan.
 
Qod. 4 (2): “
Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo
horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa
awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si
waafaqsan Dastuurkan.
 
Wuxuu u janjeeray in la hormariyo dhisidda jamhuuriyad Islaam
ah oo ku dhisan Diinta Islaamka iyo Shareecada, Shareecadana
ay noqoto mudnaanta koowaad.
Qod. 2 (1): “
Islaamku waa Diinta Dawladda.
 
Qod. 2 (2): “
Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
 
Qod. 2 (3): “
Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn
Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo
Maqaasiiddeeda.
 
Dastuurka KMG ee 2012
 
Qod. 3 (1): “
Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah
Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed
(NNKH), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka)
shareecada iyo caddaaladda bulshada.
Qod. 4 (1): “
Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya  isaga
ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa
hal-abuurka Go’aanadda Siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo
dhan.
 
Dastuurka KMG ee 2012
 
Soomaaliya waxay leedahay noqulo badan ee Dastuureed,
kuwaasoo ay ku jiraan taariikhyo Dastuuri ah.
 
Balse, fikradda nidaamka dastuuriga waxaa wiiqay burburkii
dawladda ee sanakii 1990 iydoo labaatan sano iyo ka badan uu
socday dagaal sokeeyo.
 
Si kastaba ha ahaatee, Nuqullada taariikhiga ah ee dastuurka
Soomaaliya oo lagu kabay tusaalooyin isbar-bar dhig ah ee dalal
kale waxay noqon kartaa saldhig adag qorista nidaam dastuur
cusub, kaasoo wax u tara dalka Somaliya, Shacabkeeda iyo
arrimaheeda gaarka ah.
 
Gunnaanad
Slide Note
Embed
Share

Explore the significance of the Somali constitution, its fundamental principles, and key features like the rule of law, protection of human rights, and the role of governance. Discover the essence of constitutional law in shaping democracy, ensuring accountability, and upholding the rights of citizens within the legal system.

  • Somali Constitution
  • Legal Framework
  • Rule of Law
  • Human Rights
  • Governance

Uploaded on Sep 22, 2024 | 0 Views


Download Presentation

Please find below an Image/Link to download the presentation.

The content on the website is provided AS IS for your information and personal use only. It may not be sold, licensed, or shared on other websites without obtaining consent from the author.If you encounter any issues during the download, it is possible that the publisher has removed the file from their server.

You are allowed to download the files provided on this website for personal or commercial use, subject to the condition that they are used lawfully. All files are the property of their respective owners.

The content on the website is provided AS IS for your information and personal use only. It may not be sold, licensed, or shared on other websites without obtaining consent from the author.

E N D

Presentation Transcript


  1. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed HordhacAragtida ku Saabsan Ku dhaqanka Dastuurka iyo Isbarbardhig Sharciga Dastuurka

  2. Dulamar Waa maxay Dastuur? Caalaamadaha u gaarka ah Dastuurka Figradda Gobonnimada Kala sareeynta Shuruucda Meelmarinta Qodobada Dastuurka Qodobada khuseeya Shareecada Islamka oo ku jira Dastuurka Maxaa loo sameeynayaa isbabardhig Sharciga Dastuurka? Mowduucyada iyo Qaab-dhismeedka Taarikheed ee Dastuuradii Soomaaliya 2

  3. Waa maxay dastuur? Si kooban/macmo rasmi ah: Waa nuqul qooraaleed oo lagu soo uruuriyay xeerar saldhig u ah xukuumadda dal. Si Ballaaran/macnawi ah: Waa qoraal wada-dhan oo saldhigga u ah xerarka (mid qoran ama mid aan qornayn) oo u dejinaaya xeerarka aasaaska u ah xukuumad dal ay leedahay

  4. Waa maxay dastuur? Nuxur ahaan, dastuur waa sharci wada-dhan oo siinaaya: Awood masuuliyiinta dawladda; Nidaaminaya xiriirka aasaasiga ah ee u dhexeeya masuuliyiinta dawladda dhexdooda; Nidaaminaya xiriirka aasaasiga ah ee u dhexeeya masuuliyiinta dawladda iyo qof shakhsiga ah.

  5. Waa maxay dastuur? Intaa waxaa dheer, dastuur waxaa ku jira mabaa dii wax hageysa, sida qiyamka iyo hadafka qaabka sharci uu leeyahay dal oo ay tahay in uu ku salaysnaado dimuqraadiyada, talinta sharciga ama fulinta xuquuqda aadanaha; Sidoo kale, dastuurka kuma jiro oo keliya xeerar qaabeenaya a constitution usually does not only contain rules which nidaaminaya fulinta awoodda siyaasadeed balse wuxuu xakameynayaa ku dhaqankiisa. Badi dastuurada waxay qoraan ilaalinta xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo madaxbanaanida hayadaha si loo xaqiijo wax-ku oolnimada xukuumadda isla markaana aysan ku dhaqmin sharci darro oo ay ku dhaqmo xadka uu u dejiyay dastuurka.

  6. Waa maxay dastuur? Fikradda ku dhaqanka dastuurka waa fikrad in awoodda dal uu wax ku fulinaayo ay noqoto mid ku saleysan isla markaana waafaqsan awaamiirta dastuurka. Haysashada nuqul dastuur ah ama awaamirtiisa macnaheedu ma ahan in awoodda dal uu ku dhaqmaayo in uu raacaayo sidii la rabay. Badanaa, dastuurada waxaa loo haystaa mid ku qancin oo keliya. Awoodda waxaa lagu fuliyaa awaamiir ka baxsan sharciga oo iyagu keensaday taasoo gaarsiisan xirtaan sharci darro ah iyo ku xadgug awoodeed. Hadaba, fikradda ku dhaqanka dastuurka waa dhaqan siyaasadeed oo loo baahan yahay in la hormariyo si loo xaqiijiyo waafaqsanaado awaamiirta horay lagu raacay ee dastuurka iyo la xisaabtanka iyo ku takrifalka awoodeed oo la filaayay.

  7. Waa Maxay ku Dhaqanka Nidaamka Dastuuriga? Culumada reer Galbeedka ee casrigaan waxay soo dhoweeyeen qiyamka furan (liberal value) oo ay u arkaan in ay tahay hawsha aasaasiga u ah dastuurka iyo in la xadido xadka awoodda xukuumadda iyo in la tilmaamo qaabka ay u fulinaayaan si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka inta ugu badan ee suurtagalka ah. Dastuurada waxaa badanaa ku fuliyaan hawlahaan hab: Kala qabinta awoodaha; In la kaashado mabaa diida dimuqraadiga; iyo Qaab dib-u eegis garsoor.

  8. Waa Maxay ku Dhaqanka Nidaamka Dastuuriga? Culumo qaar ah waxay ku fasireyn dastuurka heshiis bulsho oo u dhexeeya bulsho wada nool: In ay si haboon u raadiyaan hadafkooda wadaaga ah, si xor ahna ugu heshiiyaan in ay sameystaan nidaam dawladnimo. Nidaamkan wuxuu abuurayaa waajibaad saaraan bulshada iyo wakiilada masuulka uga ah qaab-dhismeedka awood wadaagga ah. Waajibaadkaan ayaan siinaya sharciyad ka timid heshiiska bulshada. Sharciyadda waajibaadkani waxay ku fasirayaan culumadda eryga ah dastuur.

  9. Tilmaamaha Dastuurka Mid qoran ama mid aan qornayn Dastuurka qoran badanaa waxaa ku urursan yahay hal nuqul ama nuqullo isku xiga oo qodobeysan sida dastuurka Mareykanka. Dastuurka aan qornayn wuxu isugu jira mid qoran iyo mid aan qornayny oo aan qodobaysnayn, ku urursanay hal nuqul, tusaale Boqortooyada Ingriiska iyo New Zealand.

  10. Tilmaamaha Dastuurka Kacaan ama wax tartiib-tartiib u kobca Kacaan wuxuu la jaanqaaday marxald cusub; ansixintiisana waxay bilaabatay xili dastuureed , oo ahaa marxalad nidmaakii haore lagu bedelay nidaam cusub, tusaale ahaan ansixinta dastuurka Maraykanka xornimada ka dib. Kobaca dastuur wuxuu hormaray mudooyin tusaale ahaan qaab-dhismeedka dastuurka UK.

  11. Tilmaamaha Dastuurka Midka adag ama Midka jilicsan Dastuurada Adag waa kuwa wax-ka-bedelka dastuurka in la sameeyo ay adag tahay waxayna u baahan tahay habraac gaar ah. Tusaale ahaan, Dastuurka Maraykanka waxaa lagu bedelikaraa oo keliya marka la helo 2/3 aqlabiyada labada aqal oo kakooban Koongreeska iyo ansixinta golaha sharci- dejinta gobollada. Waxaa intaa dheer qodobo sii adkaynaya in la sameeyo afti dadweyne iyo codayn toos ah ee degaan doorasho sida dalka Switzerland. Dastuurada Jilicsan uma baahna habraac gaar ah isbedelkana waxaa lagu samayn karaa shuruuc caadi ah. Tusaale ahaan, dastuurka UK waa mid jilicsan iyadoo wax loogu bedelikaro codayn sahlan Baarlamaanka, eeg sharciga dib-u-habaynta dastuurka ee 2005.

  12. Gobonnimo Dibada vs. Guddaha Gobonnimada dibada macnaheeda waxay tahay suurtagalnimada uu dal ku koontorooli karo shacabkiisa iyo dhulkiisa iyadoo faragelin dibada uga iman. Gobonnimada Gudaha macnaheeda waxay tahay in ilaha awooda dawladda ay ka timaado gudeha dalkeeda Waa maxay ilaha awooda dawladda ee asalka ah, waa kuwa ku kala duwan dawlada iyo bulshooyinka.

  13. Gobonnimo Mid Shacab vs. Mid Boqortooyo Gobonnimada Shacabka mecnaheeda waa gobonnimo ay leeyihiin shacabka laguna ayiday dimuqraadiyad jamhuuri ah taasoo macnaheedu tahay awooda shacabka ayaa go aaminaya arrimaha siyaasada ee dawladda lagu nidaamiyay, tusaale ahaan Anakoo ah Shacabka Gobonnimada Boqortooyo mecnaheeda waxay tahay gobonnimada boqorka ayaa go aaminaya isagoo wakiil ka ah dadkiisa, taasoo badanaa ay la socoto sharciyad diini ah awoodiisa, tusaale ahaan, Ilahay mahadiisa, Anka, Boqorka

  14. Gobannimo Shacbiyad/Boqortooyo vs. Samaawiya Gaar ahaan wadamo muslim ah iyo culimo sharciga ah waxay qabaan in fikradda gobonnimada shacabka ama boqortooyada ee hareereyn karto fikradda Shuruucda Samaawiyada ah taasoo waajib kaga dhigayso shacabka ama xaakimyada oo isla markaana ay xadideyso awoodda ilaha ay ku xukumi karaan dawladda, tusaale ahaan, Qodobka 1aad ee sharciga aasaaska ah ee Saudi Arabia: Saudi Arabia waa dal madaxbannaan carab ah oo Islaam ah. Diinteeda waa islaam dastuurkeedana waa Quranka Kariimka ah iyo Sunada Nabiga SCW.

  15. Gobonnimada Shacab vs. Baarlamaani Fikrad oo aad uga duwan gobonnimada waxaa laga helayaa dalka boqortooyada UK taasoo isha keliya ee awoodda dowaladda ay ka imaanaayso Baarlamaanka, Aqalka, Commons, Aqalka Odaaasha iyo Boqortooyada (Boqorka oo ka mid ah Baarlamaanka), taasi waxaa lagu magacaabaa gobonnimda baarlamaaniga ah. Shacbka iyo Boqortooyada midna ma fulinayso gobonnimada balse waxaa fulinaya wakiilo la soo doortay ee ku jira Aqalka Commons iyo dhaxaltooyada Boqortooyada iyo xubno ay soo magacaawday ee boqortooyada ee ka mid ah Aqalka Odayaasha.

  16. Gobonnimo Shacab vs. Qaran Gobonnimada Qaranka badanaa waxay la mid tahay gobonnimada shacabka balse waa fikrad ka duwan maadaama qaranka uu yahay isha keliya ee siinayasa awoodda dawladda. Farqiga u dhexeeeya waxay tahay gobonnimadda shacabka waxay tilmaamaysaa oo keliya shacabka ku nool dalka kuwaasoo u leh awood inay ku nidaamiyaan danahooda sida ay u arkaan iany ugu haboon tahy, halka gobonnimada qaranka ay tahay mid falsafad ahaan daahsoon fikradeeda waxayna gaarsiisan tahay jiilka la soo dhaafay iyo kuwa soo socda iyo sidoo kale shacabka hada jooga. Tuslaale ahaan gobonnimada Belgium waxay saaran tahay qaranka (jiilkii hore, jiilka hada iyo jiilka soo socda ee dalka Belgians) qarankana waxaa matala Baarlamaanka oo qaadanayo go aano isagoo wakiil ka ah qaranka.

  17. Gobonnimada Shacab vs. Dal Gaar ahaan nidaamyada federaalka oo ay samaysteen dalal horay u madaxbanaanaa, dalalka xubnaha federaalka ka ah waxay ku andacoonayaan inay sii haysanayaan gobonimadooda aysan u wareejinayan heerka federaalka taas waxaa lagu magacaabaa gobinimo dal. Hadaba tani, mahan mid ka duwan fikradii gobonnimada maadaama dawladaha xubnta ka ah federaalka gobonimada gudaha weli loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah federaalka.

  18. Kala Saraynta Shuruucda Dastuurka lama mid ahan shuruucda caadiga ah. Farqiga ugu wayan waxay tahay dastuurka guud ahaan waa sharciga ugu sareeya dal sidaa daraadeed waa midka shuruucda ugu sareeya, dhamaan shuruucda kale waa inay waa faqsanaadaan dastuurka. dhamaan hay adaha dawladda waa inay ixtiraamaan dastuurka sababtoo ah waa sharciga ugu sareeya dalka. Saraynnta Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dhulka badanaa waa mid maldahan balse wadamo qaar ah way cadeeyaan. Tusaale ahaan, Qod. 9aad ee Dastuurka Ethiopian wuxuu sidoo kale qorayaa dhamaan shuruucda iyo falalka saraakiisha oo aan waafaqsanayn dastuurka mahan kuwo leh dhaqangelin sharci.

  19. Kala Saraynta Shuruucda Dhanka kale, dastuurka mahan oo keliya inuu yahay midka saldhiga u ah sharciga balse waxaa jira ila kale ee sharciga oo golaha sharci-dejinta ee dal ay ka dhigtaan saldhig shaqadooda. Ilahaas waxay noqon karaan dhaqamada shacabka ama mabaadiida diimaha. Wadamada muslimka gaar ahaan dastuuradooda badanaa waxaa ku jira qodobo tilmaamaya in shareecada ay tahay mid ka mid ah ama ay tahay isha ugu muhiimsan ee sharciga. Tusaale waxaa u ah dalka Imaaraadka Carabta (Qod. 7aad ee Dastuurka),DalkaSudan (Qod. 5aad ee Dastuurka) ama dalka Iraq (Qod. 2aad ee Dastuurka).

  20. Kala Saraynta Shuruucda Si kastaba ha ahaatee, ilahaasi sharciga ma ansixin karaan hay adda sharci-dejinta waxay ka hor imaanaysaa sareeynta sharciga ee dalka, kaasoo ah dastuurka. Si waafaqsan qodobada dastuurka, hindise sharciyeedyada ka horimaanaya dastuurka waa kuwo aan la dhaqan-gelinayn ama kuwo si toos ah u noqonaya wax kama jiraan ama ay ku dhawaaqayso maxdakamadda dastuurka sidaasi. Sidaa daraadeed ha adda sharci-dejinta waxay ku qasban tahay inay diyaariso shuruucda keliya ee ku jira xeendaabka dastuurka . Haddii sharci uu ka horimaanyo qodobo ka mid ah Dastuurka wuxuu si toos ah uga soo dhacayaa xeendaabka dastuurka .

  21. Kala Saraynta Shuruucda Dastuurka Sharciga Ciqaabta Sharciga lawareegidda Sharciga gaarka Sharciga qofka Sharciga Ganacsiga

  22. Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka Dhaqan-gelinta tooska ah: Qodobada sida tooska waajibka ah waxay leeyihiin sharci waajibanaya waxaana meelmarinaya Maxkamadaha dalka. Qodobadaasi badanaa waxay u qoran yihiin si cad si loo fududeeyo fahankooda iyo fasiraadooda muwaadinka iyo maxkamadaha labaduba. Tusaale ahaan, shuruucda xuquuqda badana waxay siinayaan xuquuq ay tahay in la fuliyo. haddii dawladda ay ku xadgudubto xuquuqda shaqsiga ee dastuuriga ah waxaa ka hadlaya maxkamadaha si loo fuliyo xuquuqdaas .

  23. Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka Kuwa aan sida tooska ahan loo fulinayn: Qodobada u qaabaysan sida mabaadiida, tilmaamooyink ama siyaasadaha waxay saareysaa siyaasiinta iyo bulshada waajibaad dawladda, balse mahan kuwo si toos ah loo fulinayo. Tusaale ahaan, dastuurka Sudan waxaa ku jira Cutbka II mabaadii hagaysa iyo tilmaamooyin. Gaar ahaan, Qod. 12aad wuxuu qeexayaa in dawladda ay diyaarinayso siyaasado iyo istaraatiijiyo lagu xaqiijinayo cadaalad bulsho ee shacabka Sudan, xaqiijintaas oo macnaheedo yahay noloshooda iyo fursadaha shaqo siintooda. Hase ahaatee, tilmaamahaas ma samayneyso in xaq kasta ama waajibaad kasta lagu dacwoon karo maxkamadda , balse ay tahay ujeedada siyaasadeed ee dalka ay doonayso in xukuumaada ay ku dadaasho inay gaarto taasoo ah tilmaahama siyaasadda dawllad.

  24. Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka Waajib, balse ay ku xiran tahay fal sharciyad dheeraad ah: Qodobo kale ayaa noqon kara waajib balse u baahan sharci dheeraad ah ama fal maamul ka hor intaan la hirgelin. Qodobadaasi badanaa waxaa lagu qaraa badanaa oraahda sida si waafaqsan sharciga , oo macnaheedu yahay baarlamaanka ayaa ka soo saaraya sharci gaar ah ee ku saabsan arrintaas ka hor inta waajib uu noqon dhaqan-gelintiisuna waajib noqon. Tusaale ahaan, Qod. 35aad ee dastuurka Iraq wuxuu ilaalinayaa xoriyadda iyo sharafta qofka iyo qofkasta oo la jirdilo wuxuu leeyahay xaq magdhaw ah . Hadaba, magdhawga waa in lagu nidaamiyaa si faahfaahsan sharicga ka hor inta maxkamdda aysan dhaqan gelin magdhawga.

  25. Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka Xadidaadyo: Si kastaba ha ahaatee, arrinta la xirriirta waajibaadka dawladda ee dhanka xuquuqda aadanaha (gaar ahaan xuquuqda bulshada iyo dhaqaalaha) waajibaadka arrimaha qodobka waxaa xadidaya awoodda dawladda ay u leedahay dhab ahaan inay fuliso waajibaadka uu saaray qodobada. Tusaale ahaan, xuquuqda bulshada iyo dhaqaalaha (sida xaqqa guriyeeynta, daryeelka caafimaadka, cuntada iyo iwm.) Dastuurka dalka South African wuxuu u xadidayaa isdan tan dawladda waa inay qaadaa sharci maangal ah iyo talaabooyin maan gal ah iyadoo ay ku xiran tahay awoodeeda dhaqaale si ay u gaarto xaqiijinta si balaaran ee xuquuqdaasi (Faqradda 27aad ee Dastuurka South African).

  26. Qodobada Islaamiga ah ee ku jira Dastuurka Waxaa jira shuruuc kala duwan ee ku jira dalal Mulim ah kuwaaasoo la xiriira diinta Islaamka. Dastuuradaasi oo la xiriira mabaadiida lagu dhisayo Jamhuuriyad Islaam ah waxaa ku jira tilmaamooyin kala duwan ee la xiira diinta laga bilaabo dhisidda dal ku dhisan diin ilaa aasaaska Islaamka ee nidmaaka waxbarashada iyo abuuridda maxkamado shareecada ah.

  27. Qodobada Islaamiga ah ee ku jira Dastuurka qodobadan Islamiga ah waxaa loo qaybin karaa labo qaybood: Kowa koobaad, oo si toos ah saamayn ku leh qaab dhismeedka dawladda oo ay ka mid yihiin kuwa tilmaamayo shareecada Islaamka iyo kuwa sheegaya mabaadiida ilaha sharciga iyo kuwo ku dhawaaqaya dib-u-eegis shuruucda in lagu saleeyo shareecada Islaamka.. Kuwa labaad, qodobada dastuuradaasi taasoo ku soo daray mabaadiida aasaasiga ah iyo afkaarta saldhiga u ah Islaamka nolosha Shacabka.

  28. Maabdiida Jamhuuriyadda Islmaami ah Waajibka dawladda ee horumarint a waxbarasha d Sharciyada uu soo saaro waa inaysan ka hor imaan Caqiidada Islaamka ama waajibaadkeed a Sinaanta u dhexeysa dhamaan qoomiyada ha iyo qabaa ilka Waajibka saaran inay abuurto bulsho ku salaysan cadaalad bulsho ilaalisana qoyska Dib-u-eedista shuruucda si loo waafajiyo shareecada Islmaaka waxay ku wajahan tahay siyaasadda dawladda Waxay raad toos ah ku yeelanaysaa qaab-dhismeedka dawladda Xuuquuqda Aadadana

  29. Maqaamka Shareecada Islaamka Marka laga baaraan degayo hababka kala duwan ee sharaceeda islaamka lagu darayo dastuurka waxay loo qaybin karaa qaabab kala duwan: Sareynta Shareecada Islaamka Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka dhexdiisa Shareecada oo ah Isha Aasaasiga u ah sharciga Waafaqsanaanta shuruucda ee shareecada Islaamka Nidaamka cilmaaniga oo tilmaamaya shareecada Islaamka

  30. Sareynta Shareecada Islaamka Hal nooc oo qaadanaya su aasha ah in shareecada Islaamka ay tahay mida ugu sareeysa iyo in fikradda ah dastuurka uu yahay midka ugu sareeya inay waafaqsan tahay fikrada ah Jamhuuriyad Islaam gabi ahaan. Fikradda ah in qaabkanoo ah in Jamhuuriyadda Islaamka aan lagu xukumi karin Sharci uu sameeyay qof, kaasoo waajib uga dhigaya hay adaha dawladda ama dhamaantood. Marka la raacayao qaabkani Shareecada Islaamka ee Samaawiga ah waa mida keliya la dhaqan gelinayo.

  31. Sareynta Shareecada Islaamka Tusaale ahaan, Nidaamka sharciga ee Saudi Arabia, wuxuu ku salaysan yahay aragtida ah inaysan jirin sharci ee dawladda aan ka ahayn shareecda. Natiijada fikraddan in aragtida dastuureed ee Saudi Arabiya, dalka malahan dastuur rasmi ah gabi ahaantiis.

  32. Shareecada Dastuur Sahrciga Ciqaabta Sharciga Qofka Sharciga Ganacsiga Sharciga Gaarka ah Sharciga wareejinta

  33. Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka Dhexdiisa Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu doodaa in Shareecada la qoray waqti hore iyo in meesha imaan karto in la isweydiiyo su aalogo aanada saldhigga u ah xaaladda dhab ah ay ku sugnaayeen bulshada iyo baahidooda. Aragtidaani, culamada diinta iyagoo taagyeeraya waajibaadka ka dhalanaayo Shareecada ayaa tilmaamaya in loo baahan yahay in dastuurka iyo sharciyada ku dhisan dastuurka ay waafaqsanaadaan Shareecadda maadaama dawladda ay haysato dastuur aan Islaam ahayn ama shuruuc aan Islaam ahayn si sax uguma sheegan karaan in ay haystaan ah fikrada ah Jamhuuriyad Islaam ah.

  34. Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka Dhexdiisa Tusaale, eeg Qod. 4 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran: Dhammaan madaniga, ciqaabta, dhaqaalaha, maamulka, dhaqanka, ciidamada, siyaasiyiinta iyo shuruucda kale iyo xeerarka waa in ay ku saleysnaadaan shuruudaha Islaamka. Mabaa diidaan waxaa lagu dhaqayaa si gaar ah iyo si guud ahba dhammaan qodobada Dastuurka iyo sidoo kale dhammaan shuruucda iyo xeerarka kale;iyo in culumada fuqaha' ee Gole Ilaalada ay yihiin garsoorayaasha arrimahaani. Qodobka 3 iyo 4 ee Dastuurka Kmg ah ee Soomaliya wuxuu qorayaa si la mid ah aragtidaasi.

  35. Dastuurka Aasaaka u ah Shareecada Islaamka Dhamaan waa inay waafaqsanaadaan Shareecada Sharciga Ganacsiga Sharciga gaarka ah Sharciga Ciqaabta Sharciga qofka Sharciga kala wareejinta

  36. Shareecada oo ah Isha Aasaasiga u ah sharciga Wadamo badan oo ku daray Shareecada Islaamka oo ku daray dastuuradooda, waxay ku dareen qodobo tilmaamaya in Shareecada tahay saldhiga aasaaska sharciga. Qaabkan wuxuu ka dhigayaa Shareecada Islaamka inay ka sareeyso sharciga uu ansixiyo Baarlamaanka, hase ahaatee ay ku jirto qaab dhismeedka sharciga ee Dastuurka taasina ay ka dhigayso mid ka mid ah heerarka kala sareeya ee shuruucda. Tusaale ahaan, eeg Qod. 2 ee Dastuurka Masar: Islaamka waa diinta dalka, Luuqada Carabigana waa midka rasmiga ah. Mabaadiida Shareecada Islaamka waa mabaadiida ay ka soo unkamaan sharciga.

  37. Dastuurka Si Waafaqsan Shareecada Islaamka Shareecada Sharciga Ciqaabta Sharciga Qofka Sharciga Ganacsiga Sharciga Gaarka Sharciga kala Wareejinta

  38. Waafaqsanaanta shuruucda ee shareecada Islaamka Waxaa jira dastuura kale kuwaasoo oo keliya dalbaya in shuruucda waafaqsan yihiin mabaadiida Shreecada Islaamka, halka waafqasanaanta loo daayay aragtida qofka. Tusaale ahaan, eeg Qod. 3aad ee Dastuurka Afghanistaan Sharci ka hor imaan karo mabaadiida iyo qodobada diinta Islaamka ee Afgaanistaan.

  39. Dastuurka Shareecada Sharciga Ciqaabta Sharciga Qofka Sharciga Ganacsiga Sharciga Gaarka Sharciga kala wareejinta

  40. Nidaamka cilmaaniga oo tilmaamaya shareecada Islaamka Wadamo qaar oo ka mid ah dalalka Islaamka ugu badan ayaa haysta nidmaaka calmaaniga, waxay ku tilmaamaan meelo qaar ah Dastuuradooda. Arrimaha Shareecada Islaamka waxaa lagu dhaqaa oo keliya dadka muslimka; arrimaha badi la xirrira sharciga madaniga sida guurka ama kala wareejinta. Tusaale ahaan, eeg Qod. 7aad ee Dastuurka Gambia: Waxaa dastuurka intaa dheer shuruucda Gambia waxay ka kooban tahay (f) shareecada waxay la xirriirtaa arrima guurka, furiinka iyo dhaxalka ee bulshada ka tirsan Gambia ayaa lagu dhaqayaa.

  41. Dastuurka Shareecada Sharciga Ciqaabta Sharciga Qofka Sharciga Ganacsiga Sharciga Kala wareejinta Sharciga Gaarka

  42. Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? Tusaalooyinka aan kor ku soo sheegnay waxay tilmaamayaan sida ay noogu cadeeynayaan in la darso xaaladaha dalal kale si loo fahmo xaaladahooda iyo arrimahooda gaarka ah. Isbar-bardhiga sharciga dastuuriga wuxuu noqday mid aad muhiim u ah sanadahii la soo dhaafay balse u ay u baahantahay in laga taxadaro, gaar ahaan marka la isticmaalayo si lagu wargeliyo geedi socodka dastuur hada socda.

  43. Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? Mowduuca sharcia isbar-bardhiga dastuurka tobaneeyadii sano ee la soo dhaafay aad buu sare ugu kacay sababo dhawro ah awgeed: 1) Kororsiimada qoritaanka dastuuro cusub iyo kala guurka loogu guurayo dimuqraadiyad dastuuri ah dacalada dunida ku kala yaala. Tusaale ahaan, Bariga Yurub, Sub-Saharan ee Afrika iyo Latin America. 1) Aqoonsiga caalamiga ah ee xuquuqda aasaasiga ah ee qofka ee ku xusan qaanuunka dawliga, sida sharciga xuquuqul Insaanka ee caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (UDHR 1948, ICESCR 1976, ICCPR 1976). Sidoo kale, qaramaynta/in la qarameeyo xuquuxda aasaasiga ah ee caalamiga ah dastuurk kasta ee wadan kasta.

  44. Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? 3) Soo deensasho dastuur: shuruucda wadamo qaarkood waxaa dhaqan geliya wadamo kale. ama dhanka kale, shuruucda dal ayaa diidi kara dal kale sababo taariikheed, dhaqameed, siyaasadeed ama kala duwanaansho kale; mararka qaar si looga fogaado dhibaatooyin dastuureed ama arrimo soo food saaray dal kale. 4) Iaydoo ay korortay xiriirka, isdhexgalka, isweydaarsiga ama wadahalaka u dhexeeya garsoorayaasha iyo khubarada sharciga dastuurka/ culimada dalal badan oo kala duwan waxay fududeeyeen falanqaynta isbar-bardhiga; iyo 5) Helitaan balaaran arrimo la xirriira sharci iyo shuruuc dalal kala duwan, tusaale ahaan aaladda Internetka, wuxuu ka dhigay falaqaynta isbar-bardhiga wuxuu ka dhigay mid la heli karo in badan.

  45. Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? Si kastaba ha ahaatee, iayadoo laga baaraan degayo isbar- bardhiga sharciga dastuurka waxaa cadaatay inay tahay mid dhibaato ku ah tiro badan oo habraac dastuuri ah. Maadaama soo ergasashada ama ku biiritaanka xeerar dastuur ee dal leh oo lagu beerayo dal kale waxay keentay natiijo aan haboonayn. Hadaba waxaa muhiim ah in maskacda lagu hayo in xeerarka dastuuriga ay ku haboon tahay xaaladda siyaasadeed iyo bulshadeed ee dhaqan oo uu dal leeyahay iyo in nidmaaka sharci ee dal kale loo baahan yahay in laga feejignaado.

  46. Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? Faa idooyinka Ugu waawayn: Si loo hormariyo fahmka ama loo fasiro qodobada ee dastuur qaran ee dal iyadoo la bar-bardhigayo wadamo kale. In wax laga barto waayo aragnimada dalal kale ee habraaca wax-ka-bedelka ama dhaqan-delinta dastuurka dal; iyo in la qeexo farsamooyinka ugu wanaagsan ay hirgeliyeen arrimaha dalkaasi lagu xusay.

  47. Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka?? Faa idooyinka Ugu waawayn: Si loo falanqeeyo sabaha ay iskaga midka yihiin ama ku kala duwan yihiin ee u dhexeeya dastuurada dalalka. Dastuurada dalalka qaar waxaa loo ogol yahay inay tix geliyaan ama ay ansixiyaan shuruuc dal kale. Tusaale ahaan Dastuurka Koofur Afrika (Qod. 39 (1) (c) ) wuxuu xoojinayaa maxkamadaha inay tixgeliyaan shuruucda dalalka dibada marka ay fasirayaan shuruucda xuquuqda.

  48. Taariikhda Shuruucda Dastuurada Soomaliya Soomaaliya waxay leedahay taariikh mug leh ay ku soo saartay nuqlp Dastuureed : Dastuurka1960 Dastuurka1979 Dastuurka1990 Axdiga Qaranka ee KMG 2000 Axdiga Federaalka ee KMG 2004 Transitional Federal Charter Datuurka KMG 2012

  49. Dastuurka ee 1960 Waxaa la ansixiyay xornimada marka la qaatay 1960 ka dib waxaa lagu ansixiyay afti dadweyne sanad ka dib. Gogol-dhig: Waxaan ku bilaabayaa Magaca Ilaahay Qod. 1 (2): Gobannimada waxaa leh shacbiga .. Qod. 2 (2): Xeerarka maamuleed oo aan sharciga waafaqsanayn iyo sharcida aan waafaqsanayn Dastuurka waxaa lagu fasakhi karaa

  50. Dastuurka 1960 Nidaamka calmaaniga ah oo tilmaamaya Islaam iyo shareecada. Qod. 1 (3): Islaamku waa Diinta Dalka. Qod. 30 (2): Hab dhaqanka qofeed ee Muslimiinta waxaa xukuma mabaadi da guud ee shareecadda Islaamka ..

Related


More Related Content

giItT1WQy@!-/#giItT1WQy@!-/#giItT1WQy@!-/#giItT1WQy@!-/#giItT1WQy@!-/#giItT1WQy@!-/#giItT1WQy@!-/#giItT1WQy@!-/#giItT1WQy@!-/#