Understanding the Somali Constitution and Legal Framework
Explore the significance of the Somali constitution, its fundamental principles, and key features like the rule of law, protection of human rights, and the role of governance. Discover the essence of constitutional law in shaping democracy, ensuring accountability, and upholding the rights of citizens within the legal system.
Download Presentation
Please find below an Image/Link to download the presentation.
The content on the website is provided AS IS for your information and personal use only. It may not be sold, licensed, or shared on other websites without obtaining consent from the author. Download presentation by click this link. If you encounter any issues during the download, it is possible that the publisher has removed the file from their server.
E N D
Presentation Transcript
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed HordhacAragtida ku Saabsan Ku dhaqanka Dastuurka iyo Isbarbardhig Sharciga Dastuurka
Dulamar Waa maxay Dastuur? Caalaamadaha u gaarka ah Dastuurka Figradda Gobonnimada Kala sareeynta Shuruucda Meelmarinta Qodobada Dastuurka Qodobada khuseeya Shareecada Islamka oo ku jira Dastuurka Maxaa loo sameeynayaa isbabardhig Sharciga Dastuurka? Mowduucyada iyo Qaab-dhismeedka Taarikheed ee Dastuuradii Soomaaliya 2
Waa maxay dastuur? Si kooban/macmo rasmi ah: Waa nuqul qooraaleed oo lagu soo uruuriyay xeerar saldhig u ah xukuumadda dal. Si Ballaaran/macnawi ah: Waa qoraal wada-dhan oo saldhigga u ah xerarka (mid qoran ama mid aan qornayn) oo u dejinaaya xeerarka aasaaska u ah xukuumad dal ay leedahay
Waa maxay dastuur? Nuxur ahaan, dastuur waa sharci wada-dhan oo siinaaya: Awood masuuliyiinta dawladda; Nidaaminaya xiriirka aasaasiga ah ee u dhexeeya masuuliyiinta dawladda dhexdooda; Nidaaminaya xiriirka aasaasiga ah ee u dhexeeya masuuliyiinta dawladda iyo qof shakhsiga ah.
Waa maxay dastuur? Intaa waxaa dheer, dastuur waxaa ku jira mabaa dii wax hageysa, sida qiyamka iyo hadafka qaabka sharci uu leeyahay dal oo ay tahay in uu ku salaysnaado dimuqraadiyada, talinta sharciga ama fulinta xuquuqda aadanaha; Sidoo kale, dastuurka kuma jiro oo keliya xeerar qaabeenaya a constitution usually does not only contain rules which nidaaminaya fulinta awoodda siyaasadeed balse wuxuu xakameynayaa ku dhaqankiisa. Badi dastuurada waxay qoraan ilaalinta xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo madaxbanaanida hayadaha si loo xaqiijo wax-ku oolnimada xukuumadda isla markaana aysan ku dhaqmin sharci darro oo ay ku dhaqmo xadka uu u dejiyay dastuurka.
Waa maxay dastuur? Fikradda ku dhaqanka dastuurka waa fikrad in awoodda dal uu wax ku fulinaayo ay noqoto mid ku saleysan isla markaana waafaqsan awaamiirta dastuurka. Haysashada nuqul dastuur ah ama awaamirtiisa macnaheedu ma ahan in awoodda dal uu ku dhaqmaayo in uu raacaayo sidii la rabay. Badanaa, dastuurada waxaa loo haystaa mid ku qancin oo keliya. Awoodda waxaa lagu fuliyaa awaamiir ka baxsan sharciga oo iyagu keensaday taasoo gaarsiisan xirtaan sharci darro ah iyo ku xadgug awoodeed. Hadaba, fikradda ku dhaqanka dastuurka waa dhaqan siyaasadeed oo loo baahan yahay in la hormariyo si loo xaqiijiyo waafaqsanaado awaamiirta horay lagu raacay ee dastuurka iyo la xisaabtanka iyo ku takrifalka awoodeed oo la filaayay.
Waa Maxay ku Dhaqanka Nidaamka Dastuuriga? Culumada reer Galbeedka ee casrigaan waxay soo dhoweeyeen qiyamka furan (liberal value) oo ay u arkaan in ay tahay hawsha aasaasiga u ah dastuurka iyo in la xadido xadka awoodda xukuumadda iyo in la tilmaamo qaabka ay u fulinaayaan si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka inta ugu badan ee suurtagalka ah. Dastuurada waxaa badanaa ku fuliyaan hawlahaan hab: Kala qabinta awoodaha; In la kaashado mabaa diida dimuqraadiga; iyo Qaab dib-u eegis garsoor.
Waa Maxay ku Dhaqanka Nidaamka Dastuuriga? Culumo qaar ah waxay ku fasireyn dastuurka heshiis bulsho oo u dhexeeya bulsho wada nool: In ay si haboon u raadiyaan hadafkooda wadaaga ah, si xor ahna ugu heshiiyaan in ay sameystaan nidaam dawladnimo. Nidaamkan wuxuu abuurayaa waajibaad saaraan bulshada iyo wakiilada masuulka uga ah qaab-dhismeedka awood wadaagga ah. Waajibaadkaan ayaan siinaya sharciyad ka timid heshiiska bulshada. Sharciyadda waajibaadkani waxay ku fasirayaan culumadda eryga ah dastuur.
Tilmaamaha Dastuurka Mid qoran ama mid aan qornayn Dastuurka qoran badanaa waxaa ku urursan yahay hal nuqul ama nuqullo isku xiga oo qodobeysan sida dastuurka Mareykanka. Dastuurka aan qornayn wuxu isugu jira mid qoran iyo mid aan qornayny oo aan qodobaysnayn, ku urursanay hal nuqul, tusaale Boqortooyada Ingriiska iyo New Zealand.
Tilmaamaha Dastuurka Kacaan ama wax tartiib-tartiib u kobca Kacaan wuxuu la jaanqaaday marxald cusub; ansixintiisana waxay bilaabatay xili dastuureed , oo ahaa marxalad nidmaakii haore lagu bedelay nidaam cusub, tusaale ahaan ansixinta dastuurka Maraykanka xornimada ka dib. Kobaca dastuur wuxuu hormaray mudooyin tusaale ahaan qaab-dhismeedka dastuurka UK.
Tilmaamaha Dastuurka Midka adag ama Midka jilicsan Dastuurada Adag waa kuwa wax-ka-bedelka dastuurka in la sameeyo ay adag tahay waxayna u baahan tahay habraac gaar ah. Tusaale ahaan, Dastuurka Maraykanka waxaa lagu bedelikaraa oo keliya marka la helo 2/3 aqlabiyada labada aqal oo kakooban Koongreeska iyo ansixinta golaha sharci- dejinta gobollada. Waxaa intaa dheer qodobo sii adkaynaya in la sameeyo afti dadweyne iyo codayn toos ah ee degaan doorasho sida dalka Switzerland. Dastuurada Jilicsan uma baahna habraac gaar ah isbedelkana waxaa lagu samayn karaa shuruuc caadi ah. Tusaale ahaan, dastuurka UK waa mid jilicsan iyadoo wax loogu bedelikaro codayn sahlan Baarlamaanka, eeg sharciga dib-u-habaynta dastuurka ee 2005.
Gobonnimo Dibada vs. Guddaha Gobonnimada dibada macnaheeda waxay tahay suurtagalnimada uu dal ku koontorooli karo shacabkiisa iyo dhulkiisa iyadoo faragelin dibada uga iman. Gobonnimada Gudaha macnaheeda waxay tahay in ilaha awooda dawladda ay ka timaado gudeha dalkeeda Waa maxay ilaha awooda dawladda ee asalka ah, waa kuwa ku kala duwan dawlada iyo bulshooyinka.
Gobonnimo Mid Shacab vs. Mid Boqortooyo Gobonnimada Shacabka mecnaheeda waa gobonnimo ay leeyihiin shacabka laguna ayiday dimuqraadiyad jamhuuri ah taasoo macnaheedu tahay awooda shacabka ayaa go aaminaya arrimaha siyaasada ee dawladda lagu nidaamiyay, tusaale ahaan Anakoo ah Shacabka Gobonnimada Boqortooyo mecnaheeda waxay tahay gobonnimada boqorka ayaa go aaminaya isagoo wakiil ka ah dadkiisa, taasoo badanaa ay la socoto sharciyad diini ah awoodiisa, tusaale ahaan, Ilahay mahadiisa, Anka, Boqorka
Gobannimo Shacbiyad/Boqortooyo vs. Samaawiya Gaar ahaan wadamo muslim ah iyo culimo sharciga ah waxay qabaan in fikradda gobonnimada shacabka ama boqortooyada ee hareereyn karto fikradda Shuruucda Samaawiyada ah taasoo waajib kaga dhigayso shacabka ama xaakimyada oo isla markaana ay xadideyso awoodda ilaha ay ku xukumi karaan dawladda, tusaale ahaan, Qodobka 1aad ee sharciga aasaaska ah ee Saudi Arabia: Saudi Arabia waa dal madaxbannaan carab ah oo Islaam ah. Diinteeda waa islaam dastuurkeedana waa Quranka Kariimka ah iyo Sunada Nabiga SCW.
Gobonnimada Shacab vs. Baarlamaani Fikrad oo aad uga duwan gobonnimada waxaa laga helayaa dalka boqortooyada UK taasoo isha keliya ee awoodda dowaladda ay ka imaanaayso Baarlamaanka, Aqalka, Commons, Aqalka Odaaasha iyo Boqortooyada (Boqorka oo ka mid ah Baarlamaanka), taasi waxaa lagu magacaabaa gobonnimda baarlamaaniga ah. Shacbka iyo Boqortooyada midna ma fulinayso gobonnimada balse waxaa fulinaya wakiilo la soo doortay ee ku jira Aqalka Commons iyo dhaxaltooyada Boqortooyada iyo xubno ay soo magacaawday ee boqortooyada ee ka mid ah Aqalka Odayaasha.
Gobonnimo Shacab vs. Qaran Gobonnimada Qaranka badanaa waxay la mid tahay gobonnimada shacabka balse waa fikrad ka duwan maadaama qaranka uu yahay isha keliya ee siinayasa awoodda dawladda. Farqiga u dhexeeeya waxay tahay gobonnimadda shacabka waxay tilmaamaysaa oo keliya shacabka ku nool dalka kuwaasoo u leh awood inay ku nidaamiyaan danahooda sida ay u arkaan iany ugu haboon tahy, halka gobonnimada qaranka ay tahay mid falsafad ahaan daahsoon fikradeeda waxayna gaarsiisan tahay jiilka la soo dhaafay iyo kuwa soo socda iyo sidoo kale shacabka hada jooga. Tuslaale ahaan gobonnimada Belgium waxay saaran tahay qaranka (jiilkii hore, jiilka hada iyo jiilka soo socda ee dalka Belgians) qarankana waxaa matala Baarlamaanka oo qaadanayo go aano isagoo wakiil ka ah qaranka.
Gobonnimada Shacab vs. Dal Gaar ahaan nidaamyada federaalka oo ay samaysteen dalal horay u madaxbanaanaa, dalalka xubnaha federaalka ka ah waxay ku andacoonayaan inay sii haysanayaan gobonimadooda aysan u wareejinayan heerka federaalka taas waxaa lagu magacaabaa gobinimo dal. Hadaba tani, mahan mid ka duwan fikradii gobonnimada maadaama dawladaha xubnta ka ah federaalka gobonimada gudaha weli loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah federaalka.
Kala Saraynta Shuruucda Dastuurka lama mid ahan shuruucda caadiga ah. Farqiga ugu wayan waxay tahay dastuurka guud ahaan waa sharciga ugu sareeya dal sidaa daraadeed waa midka shuruucda ugu sareeya, dhamaan shuruucda kale waa inay waa faqsanaadaan dastuurka. dhamaan hay adaha dawladda waa inay ixtiraamaan dastuurka sababtoo ah waa sharciga ugu sareeya dalka. Saraynnta Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dhulka badanaa waa mid maldahan balse wadamo qaar ah way cadeeyaan. Tusaale ahaan, Qod. 9aad ee Dastuurka Ethiopian wuxuu sidoo kale qorayaa dhamaan shuruucda iyo falalka saraakiisha oo aan waafaqsanayn dastuurka mahan kuwo leh dhaqangelin sharci.
Kala Saraynta Shuruucda Dhanka kale, dastuurka mahan oo keliya inuu yahay midka saldhiga u ah sharciga balse waxaa jira ila kale ee sharciga oo golaha sharci-dejinta ee dal ay ka dhigtaan saldhig shaqadooda. Ilahaas waxay noqon karaan dhaqamada shacabka ama mabaadiida diimaha. Wadamada muslimka gaar ahaan dastuuradooda badanaa waxaa ku jira qodobo tilmaamaya in shareecada ay tahay mid ka mid ah ama ay tahay isha ugu muhiimsan ee sharciga. Tusaale waxaa u ah dalka Imaaraadka Carabta (Qod. 7aad ee Dastuurka),DalkaSudan (Qod. 5aad ee Dastuurka) ama dalka Iraq (Qod. 2aad ee Dastuurka).
Kala Saraynta Shuruucda Si kastaba ha ahaatee, ilahaasi sharciga ma ansixin karaan hay adda sharci-dejinta waxay ka hor imaanaysaa sareeynta sharciga ee dalka, kaasoo ah dastuurka. Si waafaqsan qodobada dastuurka, hindise sharciyeedyada ka horimaanaya dastuurka waa kuwo aan la dhaqan-gelinayn ama kuwo si toos ah u noqonaya wax kama jiraan ama ay ku dhawaaqayso maxdakamadda dastuurka sidaasi. Sidaa daraadeed ha adda sharci-dejinta waxay ku qasban tahay inay diyaariso shuruucda keliya ee ku jira xeendaabka dastuurka . Haddii sharci uu ka horimaanyo qodobo ka mid ah Dastuurka wuxuu si toos ah uga soo dhacayaa xeendaabka dastuurka .
Kala Saraynta Shuruucda Dastuurka Sharciga Ciqaabta Sharciga lawareegidda Sharciga gaarka Sharciga qofka Sharciga Ganacsiga
Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka Dhaqan-gelinta tooska ah: Qodobada sida tooska waajibka ah waxay leeyihiin sharci waajibanaya waxaana meelmarinaya Maxkamadaha dalka. Qodobadaasi badanaa waxay u qoran yihiin si cad si loo fududeeyo fahankooda iyo fasiraadooda muwaadinka iyo maxkamadaha labaduba. Tusaale ahaan, shuruucda xuquuqda badana waxay siinayaan xuquuq ay tahay in la fuliyo. haddii dawladda ay ku xadgudubto xuquuqda shaqsiga ee dastuuriga ah waxaa ka hadlaya maxkamadaha si loo fuliyo xuquuqdaas .
Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka Kuwa aan sida tooska ahan loo fulinayn: Qodobada u qaabaysan sida mabaadiida, tilmaamooyink ama siyaasadaha waxay saareysaa siyaasiinta iyo bulshada waajibaad dawladda, balse mahan kuwo si toos ah loo fulinayo. Tusaale ahaan, dastuurka Sudan waxaa ku jira Cutbka II mabaadii hagaysa iyo tilmaamooyin. Gaar ahaan, Qod. 12aad wuxuu qeexayaa in dawladda ay diyaarinayso siyaasado iyo istaraatiijiyo lagu xaqiijinayo cadaalad bulsho ee shacabka Sudan, xaqiijintaas oo macnaheedo yahay noloshooda iyo fursadaha shaqo siintooda. Hase ahaatee, tilmaamahaas ma samayneyso in xaq kasta ama waajibaad kasta lagu dacwoon karo maxkamadda , balse ay tahay ujeedada siyaasadeed ee dalka ay doonayso in xukuumaada ay ku dadaasho inay gaarto taasoo ah tilmaahama siyaasadda dawllad.
Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka Waajib, balse ay ku xiran tahay fal sharciyad dheeraad ah: Qodobo kale ayaa noqon kara waajib balse u baahan sharci dheeraad ah ama fal maamul ka hor intaan la hirgelin. Qodobadaasi badanaa waxaa lagu qaraa badanaa oraahda sida si waafaqsan sharciga , oo macnaheedu yahay baarlamaanka ayaa ka soo saaraya sharci gaar ah ee ku saabsan arrintaas ka hor inta waajib uu noqon dhaqan-gelintiisuna waajib noqon. Tusaale ahaan, Qod. 35aad ee dastuurka Iraq wuxuu ilaalinayaa xoriyadda iyo sharafta qofka iyo qofkasta oo la jirdilo wuxuu leeyahay xaq magdhaw ah . Hadaba, magdhawga waa in lagu nidaamiyaa si faahfaahsan sharicga ka hor inta maxkamdda aysan dhaqan gelin magdhawga.
Dhaqan-gelinta Qodobooyinka Dastuurka Xadidaadyo: Si kastaba ha ahaatee, arrinta la xirriirta waajibaadka dawladda ee dhanka xuquuqda aadanaha (gaar ahaan xuquuqda bulshada iyo dhaqaalaha) waajibaadka arrimaha qodobka waxaa xadidaya awoodda dawladda ay u leedahay dhab ahaan inay fuliso waajibaadka uu saaray qodobada. Tusaale ahaan, xuquuqda bulshada iyo dhaqaalaha (sida xaqqa guriyeeynta, daryeelka caafimaadka, cuntada iyo iwm.) Dastuurka dalka South African wuxuu u xadidayaa isdan tan dawladda waa inay qaadaa sharci maangal ah iyo talaabooyin maan gal ah iyadoo ay ku xiran tahay awoodeeda dhaqaale si ay u gaarto xaqiijinta si balaaran ee xuquuqdaasi (Faqradda 27aad ee Dastuurka South African).
Qodobada Islaamiga ah ee ku jira Dastuurka Waxaa jira shuruuc kala duwan ee ku jira dalal Mulim ah kuwaaasoo la xiriira diinta Islaamka. Dastuuradaasi oo la xiriira mabaadiida lagu dhisayo Jamhuuriyad Islaam ah waxaa ku jira tilmaamooyin kala duwan ee la xiira diinta laga bilaabo dhisidda dal ku dhisan diin ilaa aasaaska Islaamka ee nidmaaka waxbarashada iyo abuuridda maxkamado shareecada ah.
Qodobada Islaamiga ah ee ku jira Dastuurka qodobadan Islamiga ah waxaa loo qaybin karaa labo qaybood: Kowa koobaad, oo si toos ah saamayn ku leh qaab dhismeedka dawladda oo ay ka mid yihiin kuwa tilmaamayo shareecada Islaamka iyo kuwa sheegaya mabaadiida ilaha sharciga iyo kuwo ku dhawaaqaya dib-u-eegis shuruucda in lagu saleeyo shareecada Islaamka.. Kuwa labaad, qodobada dastuuradaasi taasoo ku soo daray mabaadiida aasaasiga ah iyo afkaarta saldhiga u ah Islaamka nolosha Shacabka.
Maabdiida Jamhuuriyadda Islmaami ah Waajibka dawladda ee horumarint a waxbarasha d Sharciyada uu soo saaro waa inaysan ka hor imaan Caqiidada Islaamka ama waajibaadkeed a Sinaanta u dhexeysa dhamaan qoomiyada ha iyo qabaa ilka Waajibka saaran inay abuurto bulsho ku salaysan cadaalad bulsho ilaalisana qoyska Dib-u-eedista shuruucda si loo waafajiyo shareecada Islmaaka waxay ku wajahan tahay siyaasadda dawladda Waxay raad toos ah ku yeelanaysaa qaab-dhismeedka dawladda Xuuquuqda Aadadana
Maqaamka Shareecada Islaamka Marka laga baaraan degayo hababka kala duwan ee sharaceeda islaamka lagu darayo dastuurka waxay loo qaybin karaa qaabab kala duwan: Sareynta Shareecada Islaamka Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka dhexdiisa Shareecada oo ah Isha Aasaasiga u ah sharciga Waafaqsanaanta shuruucda ee shareecada Islaamka Nidaamka cilmaaniga oo tilmaamaya shareecada Islaamka
Sareynta Shareecada Islaamka Hal nooc oo qaadanaya su aasha ah in shareecada Islaamka ay tahay mida ugu sareeysa iyo in fikradda ah dastuurka uu yahay midka ugu sareeya inay waafaqsan tahay fikrada ah Jamhuuriyad Islaam gabi ahaan. Fikradda ah in qaabkanoo ah in Jamhuuriyadda Islaamka aan lagu xukumi karin Sharci uu sameeyay qof, kaasoo waajib uga dhigaya hay adaha dawladda ama dhamaantood. Marka la raacayao qaabkani Shareecada Islaamka ee Samaawiga ah waa mida keliya la dhaqan gelinayo.
Sareynta Shareecada Islaamka Tusaale ahaan, Nidaamka sharciga ee Saudi Arabia, wuxuu ku salaysan yahay aragtida ah inaysan jirin sharci ee dawladda aan ka ahayn shareecda. Natiijada fikraddan in aragtida dastuureed ee Saudi Arabiya, dalka malahan dastuur rasmi ah gabi ahaantiis.
Shareecada Dastuur Sahrciga Ciqaabta Sharciga Qofka Sharciga Ganacsiga Sharciga Gaarka ah Sharciga wareejinta
Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka Dhexdiisa Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu doodaa in Shareecada la qoray waqti hore iyo in meesha imaan karto in la isweydiiyo su aalogo aanada saldhigga u ah xaaladda dhab ah ay ku sugnaayeen bulshada iyo baahidooda. Aragtidaani, culamada diinta iyagoo taagyeeraya waajibaadka ka dhalanaayo Shareecada ayaa tilmaamaya in loo baahan yahay in dastuurka iyo sharciyada ku dhisan dastuurka ay waafaqsanaadaan Shareecadda maadaama dawladda ay haysato dastuur aan Islaam ahayn ama shuruuc aan Islaam ahayn si sax uguma sheegan karaan in ay haystaan ah fikrada ah Jamhuuriyad Islaam ah.
Mudnaanta shareecada Islaamka ee Dastuurka Dhexdiisa Tusaale, eeg Qod. 4 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran: Dhammaan madaniga, ciqaabta, dhaqaalaha, maamulka, dhaqanka, ciidamada, siyaasiyiinta iyo shuruucda kale iyo xeerarka waa in ay ku saleysnaadaan shuruudaha Islaamka. Mabaa diidaan waxaa lagu dhaqayaa si gaar ah iyo si guud ahba dhammaan qodobada Dastuurka iyo sidoo kale dhammaan shuruucda iyo xeerarka kale;iyo in culumada fuqaha' ee Gole Ilaalada ay yihiin garsoorayaasha arrimahaani. Qodobka 3 iyo 4 ee Dastuurka Kmg ah ee Soomaliya wuxuu qorayaa si la mid ah aragtidaasi.
Dastuurka Aasaaka u ah Shareecada Islaamka Dhamaan waa inay waafaqsanaadaan Shareecada Sharciga Ganacsiga Sharciga gaarka ah Sharciga Ciqaabta Sharciga qofka Sharciga kala wareejinta
Shareecada oo ah Isha Aasaasiga u ah sharciga Wadamo badan oo ku daray Shareecada Islaamka oo ku daray dastuuradooda, waxay ku dareen qodobo tilmaamaya in Shareecada tahay saldhiga aasaaska sharciga. Qaabkan wuxuu ka dhigayaa Shareecada Islaamka inay ka sareeyso sharciga uu ansixiyo Baarlamaanka, hase ahaatee ay ku jirto qaab dhismeedka sharciga ee Dastuurka taasina ay ka dhigayso mid ka mid ah heerarka kala sareeya ee shuruucda. Tusaale ahaan, eeg Qod. 2 ee Dastuurka Masar: Islaamka waa diinta dalka, Luuqada Carabigana waa midka rasmiga ah. Mabaadiida Shareecada Islaamka waa mabaadiida ay ka soo unkamaan sharciga.
Dastuurka Si Waafaqsan Shareecada Islaamka Shareecada Sharciga Ciqaabta Sharciga Qofka Sharciga Ganacsiga Sharciga Gaarka Sharciga kala Wareejinta
Waafaqsanaanta shuruucda ee shareecada Islaamka Waxaa jira dastuura kale kuwaasoo oo keliya dalbaya in shuruucda waafaqsan yihiin mabaadiida Shreecada Islaamka, halka waafqasanaanta loo daayay aragtida qofka. Tusaale ahaan, eeg Qod. 3aad ee Dastuurka Afghanistaan Sharci ka hor imaan karo mabaadiida iyo qodobada diinta Islaamka ee Afgaanistaan.
Dastuurka Shareecada Sharciga Ciqaabta Sharciga Qofka Sharciga Ganacsiga Sharciga Gaarka Sharciga kala wareejinta
Nidaamka cilmaaniga oo tilmaamaya shareecada Islaamka Wadamo qaar oo ka mid ah dalalka Islaamka ugu badan ayaa haysta nidmaaka calmaaniga, waxay ku tilmaamaan meelo qaar ah Dastuuradooda. Arrimaha Shareecada Islaamka waxaa lagu dhaqaa oo keliya dadka muslimka; arrimaha badi la xirrira sharciga madaniga sida guurka ama kala wareejinta. Tusaale ahaan, eeg Qod. 7aad ee Dastuurka Gambia: Waxaa dastuurka intaa dheer shuruucda Gambia waxay ka kooban tahay (f) shareecada waxay la xirriirtaa arrima guurka, furiinka iyo dhaxalka ee bulshada ka tirsan Gambia ayaa lagu dhaqayaa.
Dastuurka Shareecada Sharciga Ciqaabta Sharciga Qofka Sharciga Ganacsiga Sharciga Kala wareejinta Sharciga Gaarka
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? Tusaalooyinka aan kor ku soo sheegnay waxay tilmaamayaan sida ay noogu cadeeynayaan in la darso xaaladaha dalal kale si loo fahmo xaaladahooda iyo arrimahooda gaarka ah. Isbar-bardhiga sharciga dastuuriga wuxuu noqday mid aad muhiim u ah sanadahii la soo dhaafay balse u ay u baahantahay in laga taxadaro, gaar ahaan marka la isticmaalayo si lagu wargeliyo geedi socodka dastuur hada socda.
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? Mowduuca sharcia isbar-bardhiga dastuurka tobaneeyadii sano ee la soo dhaafay aad buu sare ugu kacay sababo dhawro ah awgeed: 1) Kororsiimada qoritaanka dastuuro cusub iyo kala guurka loogu guurayo dimuqraadiyad dastuuri ah dacalada dunida ku kala yaala. Tusaale ahaan, Bariga Yurub, Sub-Saharan ee Afrika iyo Latin America. 1) Aqoonsiga caalamiga ah ee xuquuqda aasaasiga ah ee qofka ee ku xusan qaanuunka dawliga, sida sharciga xuquuqul Insaanka ee caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (UDHR 1948, ICESCR 1976, ICCPR 1976). Sidoo kale, qaramaynta/in la qarameeyo xuquuxda aasaasiga ah ee caalamiga ah dastuurk kasta ee wadan kasta.
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? 3) Soo deensasho dastuur: shuruucda wadamo qaarkood waxaa dhaqan geliya wadamo kale. ama dhanka kale, shuruucda dal ayaa diidi kara dal kale sababo taariikheed, dhaqameed, siyaasadeed ama kala duwanaansho kale; mararka qaar si looga fogaado dhibaatooyin dastuureed ama arrimo soo food saaray dal kale. 4) Iaydoo ay korortay xiriirka, isdhexgalka, isweydaarsiga ama wadahalaka u dhexeeya garsoorayaasha iyo khubarada sharciga dastuurka/ culimada dalal badan oo kala duwan waxay fududeeyeen falanqaynta isbar-bardhiga; iyo 5) Helitaan balaaran arrimo la xirriira sharci iyo shuruuc dalal kala duwan, tusaale ahaan aaladda Internetka, wuxuu ka dhigay falaqaynta isbar-bardhiga wuxuu ka dhigay mid la heli karo in badan.
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? Si kastaba ha ahaatee, iayadoo laga baaraan degayo isbar- bardhiga sharciga dastuurka waxaa cadaatay inay tahay mid dhibaato ku ah tiro badan oo habraac dastuuri ah. Maadaama soo ergasashada ama ku biiritaanka xeerar dastuur ee dal leh oo lagu beerayo dal kale waxay keentay natiijo aan haboonayn. Hadaba waxaa muhiim ah in maskacda lagu hayo in xeerarka dastuuriga ay ku haboon tahay xaaladda siyaasadeed iyo bulshadeed ee dhaqan oo uu dal leeyahay iyo in nidmaaka sharci ee dal kale loo baahan yahay in laga feejignaado.
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka? Faa idooyinka Ugu waawayn: Si loo hormariyo fahmka ama loo fasiro qodobada ee dastuur qaran ee dal iyadoo la bar-bardhigayo wadamo kale. In wax laga barto waayo aragnimada dalal kale ee habraaca wax-ka-bedelka ama dhaqan-delinta dastuurka dal; iyo in la qeexo farsamooyinka ugu wanaagsan ay hirgeliyeen arrimaha dalkaasi lagu xusay.
Maxaa looga baahan yahay isbar-bardhiga sharciga Dastuurka?? Faa idooyinka Ugu waawayn: Si loo falanqeeyo sabaha ay iskaga midka yihiin ama ku kala duwan yihiin ee u dhexeeya dastuurada dalalka. Dastuurada dalalka qaar waxaa loo ogol yahay inay tix geliyaan ama ay ansixiyaan shuruuc dal kale. Tusaale ahaan Dastuurka Koofur Afrika (Qod. 39 (1) (c) ) wuxuu xoojinayaa maxkamadaha inay tixgeliyaan shuruucda dalalka dibada marka ay fasirayaan shuruucda xuquuqda.
Taariikhda Shuruucda Dastuurada Soomaliya Soomaaliya waxay leedahay taariikh mug leh ay ku soo saartay nuqlp Dastuureed : Dastuurka1960 Dastuurka1979 Dastuurka1990 Axdiga Qaranka ee KMG 2000 Axdiga Federaalka ee KMG 2004 Transitional Federal Charter Datuurka KMG 2012
Dastuurka ee 1960 Waxaa la ansixiyay xornimada marka la qaatay 1960 ka dib waxaa lagu ansixiyay afti dadweyne sanad ka dib. Gogol-dhig: Waxaan ku bilaabayaa Magaca Ilaahay Qod. 1 (2): Gobannimada waxaa leh shacbiga .. Qod. 2 (2): Xeerarka maamuleed oo aan sharciga waafaqsanayn iyo sharcida aan waafaqsanayn Dastuurka waxaa lagu fasakhi karaa
Dastuurka 1960 Nidaamka calmaaniga ah oo tilmaamaya Islaam iyo shareecada. Qod. 1 (3): Islaamku waa Diinta Dalka. Qod. 30 (2): Hab dhaqanka qofeed ee Muslimiinta waxaa xukuma mabaadi da guud ee shareecadda Islaamka ..